Tuesday 14 June 2011

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo sheegtay inay heshay xog ku saabsan qaraxyo lagu fuliyo gawaarida Codbaahiyeyaasha

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku wajahan banaan baxyada maalmahan ka dhacay Muqdisho iyo kuwo la filanayo inay dhacaan ay yihiin kuwo la doonayo in qaraxyo laga geysto.

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ahna Wasiirka kuxigeenka Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in wasaarada Arrimaha Gudaha ay heshay xog ku aadan in banaan baxyada looga faa'ideysto weeraro laga dhex fuliyo.

"Ahmiyada koowaad waxa weeye inaan Ammaanka dadweynaha sugno, degenaashaha guud iyo xasiloonida, waxaan u soo gudbineynaa shacabka Soomaaliyed xog ay heshay wasaarada oo ah in looga faa'ideysto dibad baxyada ay beryahan wadaan in lagu soo dhex dhuunto"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in si looga bad baado qatartaas ay ugu baaqayaan in shacabka ay joojiyaan banaan baxyada, isagoo xusay in hada ay soo baxeen qorshooyin kale oo dadka lagu dhibaateynayo.
"Qatarta si looga bad baado, waxaa ugu baaqeynaa uguna digeynaa in Cadawga aanay u faa'ideyn, labadan maalmood in Ammaanka la wada ilaaliyo, wax kasta oo fursad siin karta Cadawga la joojiyo"ayuu yiri Ibraahim Yarow.

Digniintan ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ayaa ku soo beegmeysa xilli ay socoto qaban qaabo xoogan oo loogu jiro dibad baxyo ballaaran oo ka dhaca Muqdisho, kadib markii shalay ay is hortaageen Ciidamada Nabadsugida banaan bax.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...