Thursday 16 June 2011

Xildhibaan Maxamed Xuseen Ilkadahab: Heshiiska Kampala Barlamaanka Ma Ansixin Doono Waayo Qaranimada Soomaaliya ayuu Shaki Galinayaa

Muqdisho (RBC) Proff. Maxamed Xuseen Ilkadahab oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka KMG ee Soomaaliya haatana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa diiday in Heshiiska Kampala ee ay wada gaareen madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka Barlamaanka uu barlamaanka ansixiyo isagoo sheegay in qodobada heshiiskaasi ay dhaawacayaan Qaranimada Soomaaliya.
Proff. Ilkadahab oo hogaamiya kooxda Badbaadada Qaran ee barlamaanka ayaa saaka mar uu u waramay RBC Radio wuxuu si gaar ah u soo qaaday qodobada 8aad iyo10aad ee heshiiska Kampala kuwaasoo uu sheegay in shaki galiyeen madax banaaninada wadanka, wuxuuna ugu baaqay mudanayaasha barlamaanka inay diidaan heshiiskaasi.
“Anaga hadaan nahay xildhibaanda kooxda Badbaadada Qaran waxaa ku baaqeynaa in barlamaanka uu ka soo horjeesto heshiiskaasi, waayo barlamaanka waxa uu wakiil ka yahay shacabka waana inuu ilaaliyaa qaranimada dalka” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen Ilkadahab oo u waramayay RBC Radio.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale tilmaamay inay lama huraan tahay dhowrista go’aankii barlamaanka ee ay gaareen bishii February kaasoo ahaa in mudo 3 sano ah loo kordhiyo barlamaanka, balse arintaasi uu dhowr jeer bedelay afhayeenka barlamaanka. Wuxuuna intaa ku sii daray in haddii la yeeli waayo go’aanka barlamaanka uu hore u gaaray oo la yeelo midka Kampala in markaasidalku uu noqonayo meel ay maamulaan UN.
Xildhibaan Ilkadahab oo ka hadlay, sidoo kale mudaaharadyadii ay dhigeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibadba ee ay ku cabireen sida ay uga soo horjeedaan heshiiskaasi Kampala, wuxuuna ku bogaadiyey bulshada Soomaaliyeed sida ay u garteen dantooda ayna u taageereen qaranimada wadankooda.
“Waa sax in xukuumada ay barlamaanka u soo gudbiso heshiiskaasi Kampala waxaana qabaa in xildhibaanada wadaniyiinta ah ay go’aan mideysan ka gaari doonaan” ayuu yiri xildhibaan Ilkadahab oo sidoo kale ka hadlay sida uu u arko hadalkii raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku sheegay in heshiiska Kampala barlamaanka loo gudbinayo.
Wuxuuna Proff. Ilkadahab soo dhaweeyey sida ay golaha wasiirada iyo raysul wasaarahooda talada ugu soo celiyeen barlamaanka oo ah hay’ada sharci dejinta.
 Hadalka xildhibaan Ilkadahab ayaa soo baxay xilli si weyn looga war dhowrayo go’aanada ka soo bixi kara barlamaanka ee ay ka qaadan karaan heshiiska muranka badan dhaliyey ee lagu saxiixay Kampala kaasi oo si weyn loo dhaliilay.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...