Saturday 17 September 2011

Askar lasoo goosatay Hub iyo Gaadiid oo lagu soo bandhigay Muqdisho.

somalimemo.netWilaayada islamiga banadir ayaa maanta soo bandhigtay ilaa sidax askari oo towbad keen ah kuwaas oo watay hubkooda iyo gaari Roneet oo ay kala yimaadeen dhanka murtadiinta,waxaana wilaayadu ay u balan qaatay in nolol sharaf leh ay ku naalonayaan iyagoo dadkooda ku dhexjira.

Askartan ayaa sheegay in ay ay ka faa’ideysteen fursadii mujaahidiinta ahaa in ay ka towbadkeenaan dambiyada ay galeen iyagoo sheegay in ay hadda ka soo go’day in Allah ay uga towbdkeenaan dambiyadii ay galeen,waxaana ay ka sheekeyeen nolosha duliga iyo dhibaatada ah ee ay ku jireen markii ay safka cadowga.

Mas’uuliyiinta wilaayada islamiga banadir ayaa sheegay in ay si aad ah u soo dhaweeyeen raggan islamarkana maanta wixii ka dambeya uu dhiigooda badbaadyo islamarkana ay ka mid yihiin dadka muslimiinta ah,iyagoona sidoo kale maleeshiyadka kala ee la qalday ku booriyey ay ka safka muslimiinta soo galaan si ay u badbaadaan.

Xarakada mujaahidinta Al shabab ayaa fursad aad u wayn siisay Maleeshiyaadka ku jira safka DKG,kuwaas oo loo balan qaaday in ay Amaan  helayaan hadii safkaasi cadowga ay ka soo baxaan iyadoo xitaa loo qimeyn doono hubka iyo gaadiidka ay dhanka cadowga kala soo baxsadaan,waxaana tan iyo markaasi socday qulqulka maleeshiyaadka towbadkeenka ah ee iska soo dhiibaya wilaayadka dalka Somalia.

Ma ahan markii ugu horeysay oo maleeshiyaad ka tirsan DKG ah iska soo dhiibaan wilaayad iyo xitaa muqdisho balse tani ayaa dhabarjab ku ah hogaanka DKG iyo ciidanka shisheeya oo mudoyinka ku faanayey guulo ay sheegeen in laga gaaray dagaalka muqdisho,waxaan tani uu dadka muslimiinta ah tusayaa muuqaalka dhabta ah Tabardarida kooxahan cadowga iyo cadowga Kalkaalka isugu jira.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...