Saturday 17 September 2011

Khilaafkii Maleeshiyaadka Dhoobley oo meeshii ugu xumeyd gaaray.(Warbixin Maqal ah)

somalimemo.netWararka naga soo gaaraya deegaanka dhoobley ayaa sheegaya in xiisadii mudooyinka ka dhexeysay maleeshiyaadka DKG halkasi ku sugan ay sii xoogeysteen islamarkana uu imika is arkay hogaankii maleeshiyaadka ka dib muddo dheer oo muran iyo Qilaaf hoosaad uu soo jiitamayey.

Maleeshiyaadka ayaa markii hore isku dhacyadooda waxa uu ku saleysnaa qaab beeleed basle kani waxaa uu u muuqda mid kuwii hore ka duwan marka loo eego macluumaadka soo baxaya,maleeshiyaadka dhoobley ku sugan oo ay kala wataan Itobiya iyo Kenya ayaa la sheegaya Qilaafkoodu uu sii kordhay.

Saraakiil iyo maleeshiyaad ka soo gadooday kooxda Axmed Madoobe ee Itoobiya raacsan oo uu hogaaminayo nin la taliye u ahaa Axmed madoobe ayaa ku soo biiray maamulka Azaniya la magaca baxay iyo maleeshiyaadka DKG ee halkasi ku sugan oo iyagana aragtiyo kala duwan ku socda.

Nin lagu magacabo Daahir Axmed ahaa ku xigeenkii Axmed Madoobe ayaa Qiray in uu jiro isku dhex ka jira hogaanka maleeshiyaadka dhoobley waxaa uu si gaar ah u xusay kala aragti duwanaan soo kala dhexgashay isaga iyo saaxibkiisa Axmed madoobe oo uu tilmaamay in uu yahay nin maamulka iyo Qorshoyinka dagsan ku ciyaaraya.

“Axmed madoobe waxaa uu doonayaa in lagu sii jiro jabheyn aan dhamaad lahayn ananga waxaan rabnaa in aan ku biirno dowlada iyo maamuladan kale marka arintaasi ayaa isku aragsanahay”ayuu yiri Daahir.

Qilaafkan ayaa soo taagnaa tan iyo markii maleeshiyaadkan lagu soo dagalgeliyey wilaayada islamiga ee jubooyinka iyadoona dhowr jeer ah oo hore ay maleeshiyadkasi ku dagaalameen dhoobley iyagoo qaab qabiil iyo siyaasado kale isku heysta balse tani ayaa dhabar jab ku noqon karta jabhada Axmed madoobe oo hadda sii kala furfurmeysa.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta iyo Codka Daahir

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...