Friday, 9 September 2011

Askari ka tirsan Dowladda oo Dad barakacayaal ku laayay degmada Waabari

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa rasaas uu furay waxaa ku dhintay ku dhowaad labo ruux, halka afar kalena ay ku dhaawacmay, xilli dadka rasaasta lagu shubay ay sugayeen raashin mucaawino ah oo loogu qeybinayay degmada Waabari.
Dhacdadan oo aheyd maanta duhurkii ayaa Dugsigii Maxamuud Mire ee degmada waabari oo NGO ay ku qeybineysay raahsin gar gaar ah wuxuu ku faray dadka barakacayaasha rasaas.
Sida dad goob joogayaal sheegeen askari ayaa ilaalo ka hayay raashinka mucaawinada, waxaana buuq badan iyo saxmad ka dhashay qeybinta mucaawinada kadib bilowday is dhex yaac, taasoo keentay inuu askariga rasaas furo.
Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in askariga uu ka mid ahaa ciidamada degmada, waxaana uu tilmaamay in rasaasta uga fakatay si kama’a ah, waxaase uu xusay inay gacanta ku dhigeen.
Barakacayaasha ku dhaqan qeybaha dowladda ku sugan tahay ayaa dil, dhaawac iyo boob kala kulma ciidamada dowladda, iyadoo maalmahan ay isa soo tarayeen tacadiyada joogtada ee ay dadka dhibaatada uga soo cararay goboladooda ay wajahayeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...