Thursday 8 September 2011

Faroole oo Xabbad-joojintii Gaalkacyo ka Baxay, Kalana Tuuray Gogoshii Islaanka Cumar Maxamuud Gaalkacyo ka Fidiyey Kaddib Markuu Bayaan Eedeyn ah soo Saaray!


Horaa loo sheegay in Faroole yahay "Cowboy". Xabbad-joojintaad maqasheen kaddib waxaa maanta ama berri midkood dhigay gogol nabadeed Islaanka Cumar Maxamuud, Bashiir Islaam! Arrintaas waxaa saxaafadda u sheegay iyadoo cod ah Garaad Maxamed Cilmi Shirwac ee isla Cumar Maxamuud. Wuxuu Garaadku sheegay in Islaanku fidiyey gogol nabadeed oo looga hadlayo arrimaha la isku hayo.



Gogoshaas waxaa la rabay in looga hadlo  eedeynta Faroole ee ku aaddan Leelkase iyo xaafadda Garsoor. Garaadku wuxuu sheegay in Leelkase iyo Faroole u fasaxeen in howsha la galo!



Faroole waa jabaljaane wuxuu amar ku siiyey "wasaaradda caddaaladda" Puntland inay soo saarto bayaan rasmi ah oo eedeynaya Garsoor iyo Leelkase! Marka haddee Garaadku isagaa yiri: fasax iyo kalsooni baan ka heysannaa Faroole!




Qoraa C/Waaxid baa daqiiqado ka hor soo gashay qoraal uu ku sheegayo in Cumar Maxamuud dulloobeen! Maxay tahay dullinimada ka weyn in inta Faroole ogolaaday in Islaanka Cumar Maxamuud gogol dhigo dabadeedna arrintii looga hadli lahaa fadhiga;  Faroole keligiis go'aan ka gaaro oo dhaho: Leelkase iyo Garsoor baa khaldan? Marka Cumar Maxamuud waxay u qabeen in diinta Islaamka la dulleyn karo laakiin waxa Faroole dulleeyey waa Cumar Maxamuud!



Faroole ka hor; waxaa Islaanka saas oo kale u dhaqmay korneyl C/Laahi Yuusuf! Marka Faroole ma mooga  taariikhda iyo waxay yihiin odayaasha Cumar Maxamuud! Faroole waa ogyahay in Cumar Maxamed isu gelin! Marka qofkii Faroole yaqaan lama yaabo in inta howl u diro Islaan Bashiir iyo Garaadka; la arko Faroole oo wax ka soo horjeeda faraha kula jira!


F.G. Waa mamnuuc in maxaabiis aan maxkamad la saarin loo sawirro laga qaado. Marka Faroole maba ahaba nin xeeriya Sharci Islaam iyo mid gaalo midna! Marka si xun buu u ceebeeyey odayaashii Cumar Maxamuud!








No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...