Saturday, 10 September 2011

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar: Shariif Xasan Waa Ninka Garan Waayay Dadkiisa Oo Abaar Soo Barakicisay In Uu Booqdo (Warbixin)

S
Share
Minneapolis ( RBC Radio) Iyadoo ay socdaan da’daalo gudaha iyo dibada leh oo xal loogu goobayo bulshada soomaalida ayaa waxaa jira dhinacyo dhaliil u jeedinaya habka ay wax u socdaan iyo sida dhibaatada soomaaliya loo wajahay.
Waxaa sidoo kale jira dhaliilo joogta ah oo qayb ahaan runta waafaqsan oo loo jeedinayo dadka madaxda ka ah dalka soomaaliya oo lagu eedeynayo in aysan xitaa Awood u laheyn in ay taageeraan dadka ay ka soo jeedaan,soomaali warkeeda Daa.
Prof.Cabdi Ismaaciil samatar waxaa uu ka mid yahay aqoon yahanada soomaalida ee inta badan wax laga weydiiyo xaalada dalka soomaaliya,waxaana uu bare ka yahay jaamac ku taala dalka Mareykanka,isagoona ah gudoomiyaha Xisbiga HIIL QARAN.
Hadaba dhawaan mar wax laga weydiiyay xaalada dalka soomaaliya maraayo iyo shirarka kala duwan ee qorsheeysan in dalka gudihiisa ka dhacaan, ayaa Waxaa uu Samatar ku naqdiyay in arimahaasi waxba ka socon doonin.
Prof: Samatar ayaa ku macneeyay Shirarka kala duwan ee soomaalida loo qabano kuwo lagu mashquulinaayo si aanay marnaba ugu soo dhicin in ay isku tashadaan oo wax qabsadaan,taasi oo loo sameytay rag khibrad buuxda u leh Mashquulinta dadka ka baxay saaxada dunidan.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaabka ay u shaqeyaan Madaxda DKMG soomaaliya oo sheegay in ay yihiin kuwo u adeega danaha dad ku nool qaarado kale oo caalamka ah, dadkoodana barwaaqo ku jiraa.
Tusaale ahaan waxaa uu soo qaatay Shariif Xasan sheekh Aadan oo ah gudoomiyaha baarlamanka soomaaliya oo ku tilmaamay in uu yahay Nin aan garan karin waxa meesha loogu soo doortay iyo shaqada uu hayo muhiimda ay leedahay.
Shariif xasan waa ninka garan waayay dadkiisa oo ka soo barakacay Bay iyo Bakool oo gaajo ku heyso xeryaha ku yaala xamar in uu booqdo, iska daa in uu shilimaad ay ku noolaadan uu siiyee, maxay tahay ninka ceynkaas ah waxa uu soomaaliweyn u keeni karo“ayuu hadalkiisa ku yiri Prof Samatar.
Prof:samatar ayaa tilmaamay in shaqsiga halka uu ka soo galo baarlamanka ama halka uu ka soo jeedo laga garto waxtarkiisa iska daa Xilka uu dalkaasi u qaaday.
hadalaka ka soo baxay Aqoonyahankan soomaaliyeed ayaa waxaa uu yahay mid ku soo beegmaya xili madaxda Dawlada KMG soomaaliya lagu dhaliilayo wax ka qabad la’aanta arimaha Abaaraha amniga iyo dib u dajinta dadkii ka qaxay xamar intii dagaalada Qadhaadh ay ka socdeen.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...