Saturday 3 September 2011

Prof Ilka Dahab: Faroole Wasiirkaaga Amniga ma istaahilo in uu shacabka maamulo, mana aha nin u qalma xilkaasi


Share
Muqdisho (RBC Radio):- Xildhibaan Prof, Maxamed Xuseen Ilka-dahab ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay bartamaha magaalada Gaalkacyo, dagaalkaasi oo u dhaxeeyay Puntland iyo beel ka mid ah beelaha gobolka Mudug.
Prof, Ilkadahab ayaa sheegay in uu ka xun yahay iyadoo lagu jiro bil ciid ah in dagaal sokeeye oo dhiig ku daato uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, wuxuuna intaa ku daray in ay shir isugu yimaadeen Xildhibaanada, Waxgaradka, Nabaddoonada iyo Mas’uuliyiinta dowladda FKMG Soomaaliya ugu jira Beesha Leelkase, shirkaasina ay ka soo saareen baaq nabadeed, isla markaana baaqaasi uu yahay mid xambaarsan in colaada la joojiyo, maadaama colaada wiil uu ku dhinto balse uusan ku dhalan, wax kastana laga hormariyo nabada iyo in la wada hadlo.
“Dhiiga walaalaha ee isku daadanaya in la joojiyo baaqaas ayaan soo jeedinaynaa, waa in la wada fariistaa, la wada hadlaa, nabadda laga wada shaqeeyaa, in ninkii gardaran iyo ninkii ka dambeeya colaada la baaro” ayuu yiri Proff, Ilkadahab.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in ay soo saaraan baaq nabadeed oo dagaalka Gaalkacyo ku saabsan, wuxuuna Xildhibaanku dhaliilay Madaxda dowladda FKMG Soomaaliya sida ay uga aamuseen oo aysan xil isaga saarin in ay ka hadlaan colaada labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacday magaalada Gaalkacyo.
“Aniga saaxiibkey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaan dhexdaas ah waan la hadlay waxaa jirtay meel Garowe u dhoweyd oo Taleex iyo Garowe u dhaxeysa in beesha aan ka dhalanay ee Leelkase ay ceel ka qodanayeen in ay soo weerareen beesha Madaxweynaha oo ay saddex qof halkaasi ku dileen oo halkaasina lagu dilay nin Nabaddoon ah ilaa iyo haddana labadii maleeshiyo is hor fadhiyaan, aniga waxaan filaayay taasi oo jirta in Madaxweynaha dagaal kale uu san soo qaadeyn oo meel kale la weerarayn, Madaxweyne C/raxmaan waxaan ku xasuusinaynaa haddaad leedahay argagaxisaa jirta, Galgala argagaxisa jirta saad sheegaysid, Baargaal ma argagaxisa jirta, Boosaaso ma argagaxisaa jirta, aaway ragga aad sheegeysid ee argagaxisada Gaalkacyo joogta, haddii ragga kula taliya ay ku yiraahdeen meel kasta argagaxisaa jirta iyo qaacidaa joogta waa in aad hubsataa intaadan bixin qaraar aad wax ku weeraraysid, waxaana kuu soo jeedinaynaa in aad xilka ka qaadid Wasiirkaaga Amniga ma istaahilo in uu shacabka maamulo, mana aha nin u qalma xilkaasi” ayuu yiri Xildhibaan Proff, Ilkadahab.
Ugu dambeyn Proff, Ilkadahab waxaa uu baaq u diray dhamaan Beelaha deggan gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland in ay ka hadlaan oo ay baaqyo nabaddeed ka soo saaraan colaada Gaalkacyo, wuxuuna Xildhibaanku u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo uu sheegay in uu daweyn u sameeyay dhaawacyadii dagaalka ku waxyeeloobay iyo in uu baaq nabadeed ka soo saaray dagaalkii dhacay.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...