| | |
| Written by Administrator |
| Friday, 02 September 2011 20:24 |
![]() Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa Meydka nin ay bireeyeen waxa ay soo dhigeen caawa iridda hore ee Masjid ku yaala degmada Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho.Goobjooge ku sugan Dayniile ayaa u sheegay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya in meydka ninkani oo qoorta laga soo jaray lasoo dhigay salaadii maqrib intii lagu jiray Masjid ku yaala deegaanka Dayniile kaasi oo ay soo dhigeen Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.“Markii aan masjidka u galaynay Salaadda Maqrib ma uusan oolin meydka meesha balse markii aan Salaadda kasoo baxnay kadib ayaan aragnay gaari kuwa dagaalka ah oo Maleeshiyo afafka u duuban yahay ay saaran yihiin waxayna meesha soo dhigeen nin ay qoorta kasoo gooyeen wayna nakala eryeen markii ay arkeen inaan u jeedno”Aayuu yiri Goobjoogahaa oo magaciisa aanan u adeegsan sababo la xiriira Ammaankiisa waxuuna intaasi ku daray inay arintan si aad ah uga argagaxeen.Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysi Uu Radio Muqdisho la Yeeshay Goobjooge Deyniile Ku SuganArintan ayaa qeyb ka ah falalka ay Kooxda Shabaab ku dabar jarayso bulshada Soomaaliyeed ayadoo maalmihii ugu dambeeyeyna ay si aad ah usoo kordhayeen Maydadka dadka qoorta laga jaray oo xaafadaha ay weli Muqdisho kaga harsan yihiin soo dhigayaan. |




No comments:
Post a Comment