Friday, 9 September 2011

Xawaadle iyo shabaabul Mujaahidiin oo Heshiis Beyco ah wada cusbooneysiistay.

somalimemo.netBeesha Xawaalde oo kami ah beelaha Soomaaliyeed ayaa Heshiis lagashay shabaabul Mujaahidiin oo maamusha inta badan gobolada dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Kadib kulamo isdaba joog ah oo gudaha wilaayada Hiiraan ay ku yeesheen Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta Xawaadle iyo samadoonada ayaa lagu go'aamiyay in beeshu soo cusbooneysiiso heshiis ay mujaahidiinta Somaaliya lagaartay sanadii 2009.

Waaliga Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo dhanka mujaahidiinta u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay balan qaaday u gargaaridda diinta islaamka ayna marnaba ogolaan doonin in deegaanada beeshu degto lagasoo abaabulo colaad ka dhan ah ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Mas'uuliyiinta wilaayada Hiiraan ayaa Xawaadle uga mahad celiyay Mowqifka geesinimada leh oo uu ka istaaga Maleeshiyaadka beesha kasoo jeeda ee Xaabada u ah ciidanka Amxaarada Itoobiya.


Bartamihii sanadii 2009 ayay degmada Maxaas Heshiis ku gaareen shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Xawaadle xiligaas oo uu Heshiiska goob joog ka ahaa Cabdi Raxmaan Macoow oo kamid ahaa siyaasiyiinta Xawaadle balse hadda dibadda ku maqan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...