Monday 12 September 2011

Xukuumadda oo faahfaahisay Waxqabadkeedii



Xukuumadda Federalka KMG ah ayaa faahfaahin ka bixisay horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo, wadatashiga Soomaalida iyo xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Af-Hayeenka Xukuumadda Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ay jiraan horumar fara badan oo laga sameeyey dhinacyo fara badan, hase yeeshee aysan Xukuumaddu is dhiganeynin bacdamaa caqabadaha jira ay aad u badan yihiin, waqtiguna uu aad u yaryahay. Xukuumadda waxaa ka go’an in muddada labo iyo tobonka bilood ah lagu qabto howlo far badan si loo gaaro ujeedooyinka aan hiigsaneyno. Eng. Yarisow ayaa xusay arrimaha horumarka laga sameeyey.

Arrimaha horumarka ballaaran laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah:

1.   AMNIGA

6dii August waxaa lagu guuleystay in Al-Shabaab xoog looga saaro magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowladda muddo fara badan bey si is-daba joog ah uga guuleysaneyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xoogoodi si ba’an loo wiiqey. Intaas waxaa isagu darsoomay Al-Shabaab iyagoo dhalinyaro badan uga dhinteen dagaalada, khilaaf soo kala dhexgalay madaxdooda iyo dilalkii loo geystay Osama Bin Laden iyo Fazoul.

Dowladdu waxey u saartay guddi heer wasiir ah oo qiimeyn ku soo sameeyey goobihii ay ka baxeen Al-Shabaab ka dibna la dhisay ciidan gaar ah oo soo celiya amniga caasimadda, isla markaana la wareegay suuqyadii Bakaaraha iyo Suuqbacaad oo lagu guuleystay in laga illaaliyo bililiqo. Waxaa lagu guuleystay in maamulo loo sameeyo degmooyin iyo guddi amni oo xaafad walba loo sameeyey. Dowladdu waxey aaminsantahay in Al-Shabaab aysan dhiman oo ay weli noolyihiin.


2.   GAR-GAARKA BANI’AADANIMO:

Xaaladda bani’aadanimo ama macluusha ka dilaacday dalka waa tii ugu xumeyd 60kii sano ee la soo dhaafay. Sababaha keenay inay macluusha heerkan gaarto ayaa ah Al-Shabaab oo dadkii ka hor-istaagay gar-gaarkii bani’aadanimo, dagaalada dalka ka soconayey muddo dheer iyo roobabkii oo yaraaday. Dowladdu waxey durbadiiba ku dhaqaaqday inay shacabka ku soo barakacay Muqdisho u sameyso xerooyin sida Bad-baado iyo Rajo oo loo sameeyey hoy, biyo isla markaana si joogta ah loo quudiyo barakacayaasha Soomaaliyeed. Dowladdu waxey ku guuleysatay qeylo dhaan rasmi ah oo keentay in madaxdii caalamka qaarkood ay yimaadaan Muqdisho, sida Madaxweynaha Djibouti, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran, Amiirka Imaaraadka Carabta, Wasiirada Horumarinta Caalamiga ee dalalka Ingiriiska, Holand, Sweden, Spain, Amiir Al-Waleed iyo mas’uuliyiin kale oo u soo wada gurmaday shacabka tabaaleysan.

Xukuumaddu waxey sameysey guddi heer wasiir ah, isla markaana abuurtay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo madax looga dhigay ururada bulshada rayidka ah si mucaawanada loo gaarsiiyo dhammaan gobolada dalka. Waxaa lagu guuleystay in caalamku uu qabto shirar lagu saacidayo shacabka sida shirkii Addis Ababa, kii Turkiga iyo kii Nairobi oo ugu danbeeyey.Ra’iisul Wasaare Abdiweli waxuu ugu baaqay caalamka in xal waara loo helo macluusha oo shacabka soomaaliyeed loo abuuro mashaariic horumarineed si shacabku uu isagu tashado. Dowladda Turkiga oo ka jawaabeysa codsiga Ra’iisul Wasaaraha waxey dhowaan bilaabeysaa dib-u-dhiska Isbitaalka Digfeer, goobo kale ee caafimaad iyo waddooyinka Muqdisho.

Xukuumaddu waxey ku dhiirigelisay Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed inay xoojiso dadaaladeeda, kuna amartay dhammaan hay’adaha bisha Casa ma laanqeyrta cas ee dalalka adduunka inay si toos ah ula soo xiriiraan Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ay ka saacidaan gar-gaarka bani’aadanimo.

3.   DIB-U-HESHIISIIN IYO XIRIIRKA MAAMULADA


Ra’iisul Wasaaraha barnaamijkiisa Xukuumadda ee uu baarlamaanka ansixiyey waxuu ku xusay inuu xoojin doono xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, Ra’iisul Wasaare Abiweli waxuu booqasho ku tagey Puntland iyo Galmudug oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, isla markaana uu dhidibada u soo aasay xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa isagana booqday Puntland oo si heer sare ah loogu soo dhoweyey.

   
Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran dib-u-heshiisiinta iyo isdhexgalka bulshada ayey ku guuleysatay in markii ugu horreysay Muqdisho lagu qabto shir Soomaaliyeed oo looga hadlayey mustaqbalka dalka, shirkan oo ahaa mid ay ajendiisa iyo hoggaamintiisaba leedahay Soomaali waxaa lagu guuleystay in Dowladda dhexe, maamulada dalka ka jira iyo Ahlu Sunna ay isagu yimaadeen iyadoo Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkuna ay goobjoog ka ahaayeen. Waxaa muddo seddex cisho gudahood lagu guuleystay in la isku raacay dariiqii la mari lahaa 12ka bilood ee soo socda (Roadmap) iyo in la fuliyo arrimaha mudnaanta koowaad u leh shacabka soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah.     

GUNAANAD

Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda, golaha wasiiradda waxey ansixiyeen go’aankii ka soo baxay shirka wadatashiga, waxeyna isla markiiba soo saareen siyaasadii lagu dhameystiri lahaa Dastuurka oo ka kooban 8 qodob oo ay ka mid yihiin in dhowaan la sameeyo guddo khubaro ah oo dib-u-eegid ku sameeya dastuurka iyo guddi isku dhafan oo ka baaraan dega sida lagu sharciyeyn karo dastuurka iyo weliba qorsheyaasha la tashiga guud ee dadweynaha.

Dowladdu waxey sameysey qorshihii ansixinta Muqdisho iyo dalka intiisa kale oo dhaqangelintiisa la wado. Waxaa kaloo u suurtogashay Dowladda inay la tashiyo la sameeyo maamulada cusub ee daneynaya inay sameystaan maamulo iyagoo raacaya habraaca Axdiga. Xukuumaddu waxey waddaa qorsheyaal la tashiyo lagula sameynayo shacabka soomaaliyeed iyo qurbojoogta oo dhowaan Ra’iisul Wasaaraha uu kulamo la soo qaadan doono Qurbo joogta soomaaliyeed.

Walow ay jiraan caqabado fara badan ee loo baahanyahay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan, haddana Eng. Yarisow waxuu sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay in la sii joogteeyo horumarka baaxadda leh ee la taaban karo, si loo gaaro himilooyinka aan tiigsaneyno. Eng. Yarisow waxuu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan qurbojoogta inay la soo xiriiraan Dowladda si ay kaalin mug leh uga qaataan howlaha baaxadda leh ee socda. Waxuuna u ballanqaaday in Dowladdu ay diyaar u tahay inay dhageysato shacabkeena, talana ku yeeshaan masiirka dalkooda.

-      DHAMAAD -
 
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854


--
Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...