Monday 5 December 2011

Dhaq dhaqaaqyo iyo Dib ugurasho kajirto Gobolada Jubbooyinka (Warbixin).


on .
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo bilihii lasoo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa shabaabul Mujaahidiin.

Wixii ka dambeeyay dagaalkii Xayo ee Jumcihii lasoo dhaafay dhacay ayay ciidanka Kenya wadaan dib ugurasho iyo in ay ka baxaan tuulooyin ay horay usoo galeen.

Wararka nagasoo gaaraya xeebta wilaayada Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ay ka bexeen Buurgaabo iyagoo degay meel 5 KM ujirta xad beenaadka ay wadaagaan Somaliya iyo Kenya.

Boqolaal katirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyana dhaq dhaqaaqyo ka wada Qooqaani waxaana laga yaabaa in ay weerar ku qaadaan Taabto oo ay ku hareen maleeshiyaad Soomaali ah.

Kenya ayaa shalay ku dhawaaqday in ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya waxaa muuqata in mujaahidiintu ay qiimeynayaan xaaladda, wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in ciidanka Kenya ay gaadiidkooda culus isugu geeyeen Xaar Xaarka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...