
Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa shalay gelinkii dambe ka gudbay deegaanka Garasbaaleey iyagoona qabtay dhanka magaalada Muqdisho.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa u muuqday kuwa Tababaro soo dhamaystay oo isku diyaarinaya Howlgal ay ka galaan magaalada Halganka iyo Kifaaca u saaxiibka ah ee Muqdisho.
Saraakiil katirsan xarakada Al shabaab oo aan xariiro lasameynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan cadadka ciidankan balse waxay noo xaqiijiyeen in ay yihiin ciidan diyaar u eh dagaal ay lagalaan AMISOM iyo Maleeshiyaadka Shariif.
Ciidankan cusub ee magaalada Muqdisho galay ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii lasoo dhaafay ay dagaaladu kusii xoogeysanayeen Muqdisho
No comments:
Post a Comment