Saturday 24 December 2011

Deg Deg: Dab Xoogan Oo Goor Dhow Ka Kacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho


Share
Muqdisho (RBC Radio) Dab Xoogan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu goor dhow ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka magaalada Muqdisho.
Goobjooge Ku sugan suuqa deegaanka Ceelasha biyaha oo la soo xariiray Xafiiska RBC Radio ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay in uu Dabkaan ka kacay qaybka shidaalka lagu Iibiyo ee Suuqaasi.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in uu Dabkaan ka dhacay Dab yaalay Suuqa lagu iibiyo Shidaalka isla markaana qabkaasi uu qabsaday Fuustooyin ama Haamo ay Shidaal ku jiraan.
Dadkaan ayaa waxaa la sheegayaa in uu baabiyay Hanti badan oo isugu jirta Shidaal iyo Jaadaritaal lagu Iibinayay Suuqaasi iyo waliba Hanti kale, walina lama sheegin in uu dabkaan khaasro nafeed geestay iyo In kale.
Wararka ayaa sheegaya in Dabkaan markii uu Kacay ay u soo gurmadeen Dab badan kuwaasi oo haatan ku guuleestay in ay damiyaan inta badan Dabkaasi.
Ma ahan markii ugu Horeeyay oo uu dab qabsado Suuqa deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana jiray Dab khasaaro badan greestay oo horay u qabsaday Suuqaasi.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...