Sunday 25 December 2011

DOOD FURAN: Nidaamka 4.5 Maxaa ku Jaban Sideese looga Gudbi Karaa?


 
Share
Iyadoo mudo ka badan 10 sano ay caado u ahayd madaxda siyaasada ee Soomaaliya inay wax ku qeybsadaan habka 4.5 oo micnihiisu yahay afar qabiil oo waaweyn iyo qabiil bar ah ayaa hadda waxaa markale soo ifbaxday muran arintaasi ka taagan.
Shirkii lagu qabtay magaalada Madaxda Caasimada Dowlad Gobaleedka Puntland ee Garoowe waxay madaxda Dowlada Puntland ku doodeen in la bedelo habka 4.5 ee hadda wax lagu qeybiyo, iyagoo sheegay inay rabaan in qaab degmo iyo Gobol dadka wax loogu qeybiyo.
Halka madaxda DKMG iyo Maamuladii ka qeygalay Shirka ayaa qabaan in habka 4.5 aan laga gudbi karin sababo jira awgood:-
- Xilligan oo aysan dalka ka wada jirin maamulo soo diyaariya doorashooyin deegaan.
- Degmooyinka iyo Gobolada qaar oo dhashay ka dib burburkii dawladii hore ee Soomaaliya isla markaana keeni karta Muran iyo Isqabqabsi xoog badan oo  aan laga heshiin karin.
- Dalka oo aysan ka dhici karin doorasho hal qof- hal cod ah.
Arimahan ayaa la leeyahay waxay hortaagan yihiin in aan laga gudbin habka 4.5 ee qabiilka ku dhisan.
Aragti kale
Dadka qaar ayaa qaba in habkan 4.5 lagu bedelo 5 beelood oo waaweyn oo laga saaro qabiilka barka lagu sheegay (beesha shanaad). taasina ay ka cadaalad badan tahay habka 4.5 ee hadda jira.
Haddaba maxaa xal ah? maxaase bedel u noqon kara 4.5 oo Soomaalida qancin kara?

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...