Saturday 24 December 2011

Amiirka Al-shabaab oo ku eedeeyey qaar ka mid ah culimada Soomaalida iney la safteen AMISOM, muslimiintana ka soo horjeesteen

Hogaamiyaha guud ee Xarakada Al-Shabaab Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr dadka qaarna ay u yaqaanaan Axmed Godane oo horey looga bartay inoo soo diro fariimo codad ah oo laga soo duubay ayaa markii markii ugu horeysay waraysi toos ah siiyey mid kamid ah idaacadaha ku hadla codka Al-Shabaab.
Shiikh Mukhtaar Abuu Zubayr amiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Abuu Zubayr ayaa in Al-Qaacida ay gacan libaax leh ku lahayd dagaalada Somalia laga soo bilaabo horaantii 1990-kii xiligaasoo uu tilmaamay in Alqaacida ay dagaal toos ah kula gashay magaalada Muqdisho ciidamadii UNISOM ee uu Maraykanka hogaaminayey.
Abuu Subeyr ayaa soo hadal qaaday dilkii loogu geystay gobolka Galgaduud 2007-dii Macalin Aadan Xaashi Ceyroow oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha ay ku dhaarato Xarakada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay beesha uu ka dhashay in ay ka aargoostaan dhinacyadii dambeeyey dilkiisa oo uu sheegay iney weli joogaan dalka kana dagaalamayaan.
Mar wax laga weydiiyay gacantii ay ku lahayd Xarakada Al Shabaab asaaskii Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa Shiikh Muqtaar Abuu Zubayr waxa uu sheegay In xiligaasi uu kala shaki ka dhaxeeyay iyaga iyo Maxkamadaha laguna kala duwanaa hadafkii loo socday taasoo sida uu yiri horseeday burbur deg deg ah oo maxkamadihii dhacay, iyaguna ay weli ku joogaan dariiqii saxda ahaa ee nebiga NNKH iyo saxaabada ayna ku taagnaan doonaan ilaa ay ka dhintaan ama laga dilo, isagoo xusay in guruubyadii kale ee ay maxkamada iskula jireen ay intooda badan ka leexdeen dariiqii saxda ahaa kuna biireen dowlada KMG Somalia.
Shiikh Mukhtaar Abuu Zubayr amiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Abuu waxa uu si kulul u weeraray qaar kamid ah Culimada Soomaalida isagoo ku eedeeyey in ay fatwoodeen in heshiis lala galo Yahuuda iyo in lagu wareejiyo magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina, isaagoo qaar kalena ku eedeeyey inay fatwoodeen in lala dagaalamo wax uu ugu yeeray Mujaahidiinta Alle dartii u dagaalameysa, lana soo dhoweeyo gaalada AMISOM iyo dowlada KMG Somalia.
“Ujeedada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab loo aasaasay waxaa asal u ah soo celinta khilaafadii Islaamka, in diinta Islaamka la oogo iyo in laga hortago duulaanada looga horjeedo Islaamka ee ka jira dunida oo dhan qeyb ka mid ah ujeedooyinkaas waa la xaqiijiyey inta dhimana mujaahidintu jidkeeda ayey hayaan weyna gaari doonaan insha alaah" ayuu yiri Amiirka Al-shabaab

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...