Sunday 25 December 2011

Ciidamo Burundeys ah oo Muqdisho lagu dilay.


Written by Administrator on .
Ugu yaraan 5 Askari oo kamid ah ciidamada Gumeysiga Burundi ayaa ku dhimatay qarax xoogan oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sarkaal katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMeMo u sheegay in Miino lagu aasay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi ay laqaraxday ciidamadii goobta ku sugnaa dhamaantoodna ay noqdeen kuwa dhintay iyo ku dhaawacmay.

Inta la ogyahay waxaa qaraxii maanta ku dhintay 5 Askari iyo mid dhaawac halis ah qaba, dad ay usuuragashay in ay dusha sare ka arkaan dhibaatada ciidanka Burundi qabsatay waxay sheegeen in Askariga dhaawaca ah laqaadi la'yahay islamarkaana uu ku rafanayo goobta wax ka dhaceen.

Ciidana Burundi ee difaacyada uga jira Wadada Warshadaha ayaa ugurman la' saaxibadood waxayna ka cabsi qabaan in toogasho uga timaad ciidamada Mujaahidiinta oo aan ka fogeyn goobta wax ka dhaceen.

Saraakiisha Burundi ayaa layaaban sida ay mujaahidiinta ugu suuragashay in ay qarxiyaan difaacyada cadawga, goobta qaraxu ka dhacay waa Derbiga dambe ee warshadii Efeeko ee wadada Warshadaha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...