Monday 26 December 2011

War-Saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho, 26 December 2011

Shir aan caadi aheyn oo  ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shirguddoominayey  Ku-Simaha  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Ahna  Ra’iisul Wasaare
Ku-Xigeen iyo  Wasiirka Arrimaha Dibedda Mohamed  Mohamud Haji  Ibrahim  ayaa
looga hadlay  Bilad  Sharafta Qaramada Midoobay ay bixiso oo loo yaqaan United
Nations Population Award.
Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha  ayaa golaha Wasiirada u sharaxay Bilad Sharafta
Qaramada Midoobay iyo in Dowladda Soomaaliya looga baahanyahay inay si deg-deg
ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay Bilad Sharafta. Sanad walba
guddiga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Bilad Sharafta Qaramada Midoobey ee
loo yaqaan United Nations Population Award ayaa waxey guddoonsiiyaan bilad
sharaftan shaqsigii ama hay’adii loo garto inay kaalin mug leh ka qaateen dhiiri gelinta
ama wecyigelinta bulshada caalamka ama xalintooda.
Bilad Sharaftan ayaa  waxaa lagu  aasaasay  qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada
Midoobey 36/201, ee bishii November 1981, oo markii ugu horreysay la bixiyey 1983dii.
Bilad Sharaftan ayaa isagu jirta bixinta Bilad Dahab ah, Shahaado iyo Lacag.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa ka hor 31ka December 2011 inay
gudbiyaan shaqsiga ay u garteen inuu mudan yahay Bilad Sharaftan.
Ka dib markii ay Golaha Wasiirada ka doodeen ayaa ugu danbeyntii waxaa si
aqlabiyad ah la isagu raacay in Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Turkiga Recep Tayyip
Erdoğan loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka in la guddoonsiiyo Bilad
Sharafta Qaramada Midoobey (the United Nations Population Award), isla markaana
ay Dowladda Soomaaliya u gudbiso Qaramada Midoobey musharaxnimadiisa.
Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqi doonto shaqsiyaadka mudteystay  Bilad
Sharafta bisha Maarso ee 2012 ka isla markaana Bilad Sharafta Qaramada Midoobay
uu guddoonsiin doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey inta ka horeysa bisha
Juun 2012ka.
- DHAMAAD -

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...