Monday 5 December 2011

War deg deg ah: Sheekh Dr. Cabdi Raxmaan oo ay dhagar qabayaal ku dileen Boosaaso.


on .
Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil saaka magaalada Boosaaso loogu geystay mid kamida aqoonyahanada magaaladaasi.

Wararka nagasoo gaaraya Boosaaso ayaa xaqiijinaya in kooxo hubeysan ay dileen Sheekh Dr. Cabdi Raxmaan Xaaji oo kamid ahaa mashaa'ikhda magaalada ahaana Bare Jaamacadeed oo ay yaqiineen bulshada magaalada.

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Boosaso Sheekha ayaa latoogtay isagoo kasoo baxaya Masjidka Xasan Bin Cali ee bartamaha magaalada Boosaaso.
Allaha u naxariisteen Sheekha ayaa ku caanbaxay faafinta dacwada islaamka waxaana lagu xasuustaa xiligii Fowdada Soomaaliya oo uu dacwada ka fidin jiray gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Falalka nuucaan ah ee lagu beegsanayo Culimada iyo dadka Diinta faafiya waxaa ku caanbaxay maleeshiyaadka PIS-ta Nidaamka Cabdi Raxmaan Faroole.

Allaha unaariisto Sheekh Dr. Cabdi Raxmaan wuxuu dhintay isagoo Masjidka kasoo baxay oo salaadda Fajarka soo tukaday sida laqiyaasayo kuwa dhiigga Muslimiinta daadiya matukadaan waxayna ka shaqeeyaan ciribtirka dadka Ahlu Towxiidka ah.

Taariikhda Sheekha iyo wixii jawaab celino ah ee laga bixiyo dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'allaah

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...