Thursday 8 December 2011

Weerarkii Xerada Nac-Naca ee Muqdisho Wuxuu muujiyay Awoodda Sirdoon ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Tabardaridda shisheeyaha+DKMG ah (Warbixin).


Written by Administrator on .
Dhegaha Saraakiisha AMISOM,DKMG ah,Saraakiisha Mareykanka ee Xalane ku sugan iyo taageerayaasha qolyahaadsi waxaa weli dhagahooda kasii yeeraya jugtii cusleed ee xalay gaartay.
Weerarkii xalay wuxuu baal dahab ah ka geli doonaa taariikhda dagaalka muqdisho marka loo eego jawaanib kala duwan oo aan mid mid isku dul taagi doono Bi'idnillaah.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhanka Wardoonka iyo isku xirka kaga wanaagsan dhamaan dhinacyada Soomaalida ee Somaliya kajira iyo shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay, in isku xirka xarakada Shabaab wanaagsanyahay sabab loogama dhigi karo meel marka intabadan ahdaaftooda, ee waxaa xaqiiq ah in Camalka ay saraakiisha shabaab sameynayaan uu yahay mid Alle raali ka yahay Ikhlaasna aan u rejeynayno ragga arrimahan ku howlan.

Daa'ifada nuucaan ah oo waqtiga adag diinka Alle u dagaalamaysa waxdhib ah uma gaysan karaan kuwa khiyaana iyo kuwa khilaafa intaba, dad badan ayaa layaabay markii ciidanka shabaabul Mujaahidiin oo gaadiidka dagaalka wata ay xalay weerareen warshaddii hore ee Nac Naca ee degmada Wadajir.
Halista uu lahaa weerarkii Xalay iyo saameyntiisa.

Weerarkii xalay Nac-Naca ka dhacay wuxuu fadeexad ku ahaa jiritaanka DKMG ah ee carratuurka u ah AMISOM waxaa kale oo uu beentiin yidhi Sirdoonka AMISOM,DKMG,SKA,Saracen iyo dhamaan shirkadaha Ashahaadda ladirirnimada ka shaqeeya ee Xalane ku sugan.
Warshadda Nac Naca waxaa yiilay hubka ugu badan ee DKMG ah wuxuuna garabka ku hayaa Xerada Xalane waxaa lagu tababaray ciidan dhan 850 Askari oo loogu talagalay duminta wilaayaatka Islaamiga Soomaaliya.
Weerarku wuxuu ka dhacay meel ku dhaw Xalane oo ah barta ugu ballaaran oo ay cadawga shisheeye Soomaaliya ka joogaan.
Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Xalay.
Khasaaraha ugu badan wuxuu gaaray maleeshiyadka Soomaalida oo ku sugnaa afaafka hore ee Warshadda Nac Naca, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhimashadu gaartay 16 Maleeshiyaad Soomaali ah kuwaasi oo ay rasaasta mujaahidiinta ku haleeshay babaanka warshadda

Maleeshiyaadka ladilay qaarkood xiligii ladilayay mahubeysneyn waxay maandooriyaha Khaatka ku cunayeen afaafka hore ee warshada halkaasi oo ay ku qurbaxeen.

Diyaaro Meydad qaaday oo Garoonka Muqdisho soo caga dhigtay.

Halaaggii xalay DKMG ah kaligeed sooma gaarine waxaa laqeybsaday shisheeyaha oo dhankooda ka dhadhamiyay qaraarka.

Dhibaata lixaad leh ayaa gaartay ciidamada shisheeye, iimasuura gelin in aan ogaado dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee AMISOM kasoo gaartay dagaalkii xalay Muqdisho ka dhacay.

Diyuurad nuuca xamuulka ah ayaa maanta duhurkii soo caga dhigatay Garoonka diyuuradaha Muqdisho waxaana Run Way-ga garoonka isku gedaamay ciidamo kadib markii diyuurado soo degtay.

Gaadiidka caafimadka ciidanka AMISOM ayaa hoos istaagay Garbaha diyuurada waxayna qaadeen Meydad iyo dhaawacyo.

Diyuuradda soo caga dhigatay garoonka waxaa ku buufsanaa Calaamadda Dowladda Algeria sida Calanka wadankaasi iyo astaanka gaarka ah ee waaxda duulimaadka Aljeeriya.

W/D Abuu Cabdalla Muqdisho Somaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...