Friday 1 May 2015

Wararkii ugu dambeeyay shirka dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ee ka socda Garowe


by A M Friday, May 1, 2015 | 3323 views
Shirka wada tashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada oo galay maalintii labaad ayaa la soo sheegayaa in qodobada qaar ee shirka looga doodayo ay Guddiyada shiraya isku mari la’yihiin.
Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa arrimaha ugu adag ee aan wali dhinacyada isla meel dhigin waxaa ka mid ah in dowladda Federaalka ay cadeyso waxa ay Mudug ka damacsan tahay, iyadoo Puntland ku doodeyso in arrinta Mudug ay tahay mid lama taabtaan ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo xalay ka qeyb galayay xaflad ka dhacday Garowe ay labada dhinac hadalo isku duray, taasoo ku saabsan arrinta Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa ku doodaya in Maamulka Gobollada Dhexe uu raacayo kaliya Koofurta Mudug, ayna dowladda Soomaaliya ka rabaan inay cadeyso midaas, iyadoo hadalkan uu daba socdo heshiiskii dhex maray Puntland iyo Xukuumaddii la riday ee C/wali Gaas ee dhigayay Maamulka Mudug iyo galgaduud uu noqdo Gobol iyo Bar.
Sidoo kale Guddiyada kale ee shirka u matalaya maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed ayaa iyana doonaya in la maareeyo qeybsiga Kheyraadka dalka, isla markaana maamul walba u madax banaanaado kheyraadkiisa, la xaajoodka beesha caalamka ee taageerada bixiya.
Qodobada laga doodayo ayaa ka mid ah isku dhafka iyo dib u dhiska ciidanka qaran, waxaana qodobkan ay doonayaan in Maamul goboleedyada doorkooda dhismaha ciidamada la siiyo, isla markaana taageerada dhinaca milateri ee dowladda federaalka ka hesho beesha Caalamkana la cadeeyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shirka furay ayaa sheegay inay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ay hal ujeedo ka wada yeeshaan mustaqbalka Siyaasadda dalka iyo la-dagaalanka waxa uu ugu yeeray cadowga shacabka, sidoo kalena waxaa uu cadeeyay inuusan wax saameyn ah maamulka loo sameynayo gobaladda dhexe ku yeelin doonin Puntland.
Shirkan ayaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro, marka ay Guddiyada shirka u socda ay isla meel dhigaan qodobada, waxaana ay u badan tahay in war murtiyeedka soo baxo ilaa gelinka dambe ee maalinta berri ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...