Tuesday 8 February 2011

Mucjiso lagu arkay Dagaalkii Hagoogane ee SSC & SNM


Ciidankii Somaliland ee ka qeyb-galay dagaalkii Baliga Hagoogane oo iminkadan lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Burco,ayaa sheegay inay mucjiso Rabaani ah ku arkeen Dagaalkii ay la galeen Ciidamada SSC,kaasoo ay sheegeen in dagaalka ay ka qeyb-qaadanayaan Niman Awr Tikniko saaran ku-dagaalamaya,kuwaasoo uu hogaaminayey Sheekh dhar-cad xiran

Dhaawacyada Somaliland ayaa badankood dadkii soo booqday ee eheladooda u sheegay in kolkii ay eryadeen Ciidamada SSC,inay dhabar-jebin ku-sameeyeen Ciidamo dhar-cad ku-labisan oo Awr saaran,kuwaasoo si hubka daran-dooriga u dhaca ka soo ridayay Awrka dushiisa

Hadal-heynta ugu badan ee galabta goobaha lagu shaaheeyo ee Magaalada Buuhoodlo,ayaa looga sheekeysanayaa arinta ka soo yeertay Ciidamadii SNM-ta oo kolkii la jebiyay Ilaahay rucbi iyo cabsi ku-riday,iyagoo aaminay in dagaalka ay ka qeyb-galeen Malaa'ig uu hogaaminayey nin ka tirsanaan jiray Ciidamadii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,kaasoo lagu magacaabi-jiray Sheekh Cali Dhuux Allaha u naxariistee.

Sheekhan ay Ciidamada dhaawaca ee SNM-ta ay leeyihiin dhabar-jebin ayuu nagu sameeyay,isagoo hogaaminaya ciidamo dharcad xiran oo Malaa'g ay ku sheegeen,waxa uu geeriyooday  mudda laga joogo 70-sanno,waxaana uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu sareeyay Ciidamadii Daraawiishta ee la dagaalami-jiray Gumeystahii Ingiriiska ee ku soo duulay Waqooyiga SoomaaliyaSii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...