Tuesday 8 February 2011

150-Takfiir ah oo gacanta lagu dhigay;Alshabaab oo sifeyn ku-wada Kooxaha dadka gaaleysiiya)

Written by Administrator   
Tuesday, 08 February 2011 15:21

Kooxda Shabaab ayaa iska soocaysa dadka toos u haysta Fikirka Takfiirka.Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay Xabsiga dhigtay in ka badan 150-ruux oo reer Shabeelaha Hoose u badan kuwaasi oo Xubna ka ahaa Alshabaab balse toos u haystay Fikirka Takfiirka oo ah Koox dadka dhan ka aaminsan in ay gaalo yihiin.

Alshabaab oo hore loogu xukumay in ay Takfiir u badanyihiin ayaa hada bilowday in ay iska dhex saarto dadka TAKFIIR-ka loo yaqaano oo aad ugu caan baxay gaalaysiinta dhamaan dadka iyo dilka fudud maadaama qof walba agtooda uu gaal ka yahay.

Dadkan la xerxeray ayaa laga soo wada qabtay Sh.Hoose waxaana ay shir gaar ah ku lahaayeen Tuulo ka mida Sh/Hoose oo shabaabka ay ku weerareen ka dibna hubkii laga dhigay oo Xabsiyo kala duwan loo kala qaaday dadkaasi.

Takfiirka ayaa waxa ay aad ugu dhex xoogan yihiin Kooxdan Shabaab oo hada haysata inta badan Gobolada Koonfurta Soomaaliya waxaana hore loogu dhawaaqay in ay shabaabka yihiin koox dadka gaalaysiisa oo haysata astaamaha TAKFIIR-ka.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...