Gaalkacyo (RBC Radio):- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe Aadan Nuur Qaal ayaa Ururka Alshabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dilka Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Rafcaanka ee Gobolka Mudug oo xalay kooxo hubeysani ay ku dileen gudaha magaalada Gaalkacyo.G/dhexe Aadan ayaa sheegay in Ururka Alshabaab uu adeegsanayo kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo doonaya in ay dhameeyaan mas’uuliyiinta Gobolka iyo inta waxgaradka ah ee shacabka ka tirsan.
“Anigu kuwaasi Muslim kuma sheegi karo, waa Yuhuud qabuuraha fagta, sababtoo ah waxay dadka u neceb yihiin oo ay dilaan dadka masaajida ka soo baxa ee soo cibaadeysta, waana in lala dagaalamo iyaga oo kale oo lagu jihaado weliba” ayuu yiri G/dhexe Aadan Nuur Qaal Sii Akhri
No comments:
Post a Comment