Saturday 18 June 2011

Al-Shabaab oo ilaa saddex wiil dhalinyaro xukuno dil iyo gacan goyn ku fuliyay maanta

Xarakada Alshabaab ayaa maanta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Banaadir kula fuliyay ilaa saddex dhalinyaro ah xukuno dilal iyo gacan goyn ah, kadib markii ay ku soo eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya, halka wiilka kalena ee ay gacanta ka jareen ku eedeeyay inuu wax xaday.

Barqanimadii maanta ayaa xukunkii u horeeyay waxaa lagu fuliyay labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay u jaajuusayeen Ciidamada Nabadsugida Dowladda, isla markaana ay dhowr bilood ka hor ku qabteen deegaanada ay maamulaan.

Qaadiga Al-Shabaab ee Maxkamada gobolka banaadir oo la yiraahdo Shiikh Cumar ayaa sheegay in labada wiil dhalinyaro lagu kala magacaabayay Caadil Maxamed Xuseen oo 21-jir ah iyo Cabaas Maxamed Abuukar oo 19-jir ah, kuwaasoo uu sheegay inay qirteen dambigooda.

"Labada wiil dhalinyaro waxay qirteen dambigooda, waxay cadeeyeen inay u shaqeynayeen Nabadsugida dowladda, gaar ahaan PS-ta oo nin ay ku shaqeynayeen lagu magacaabayay Amiin"ayuu yiri Qaadiga Maxkamada.

Wiilashan dhalinyarada ayaa waxaa uu ku tilmaamay in deegaanada ay ka taliyeen ka wadeen howlo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta, isla markaana warar ku saabsan howlahooda ay u gudbinayeen Nabadsugida sida uu yiri.

Dhinaca kale galabta ayaa Maamulka Al-Shabaab ee degmada Afgooye ay ku fuliyeen wiil dhalinyaro ah xukun gacan goyn ah, kadib markii ay sheegeen inuu jabsaday bakhaar xilli habeenimo ah, isla markaana uu qirtay dambigiisa.

Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa xukunada ay fuliyaan uu yahay mid shaki badan keena, xilliyada baaritaanka qofka lagu sameeyo oo aan inta badan wax cad la soo bandhigin, marka laga reebo in qofka wax xukminaya uu yiraahdo waa qirtay, taasoo ah qiil ay u sameeyaan xukunka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...