Saturday 18 June 2011

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo muddo afar bilood kadib maanta ku kulmay Xarunta Golaha shacabka, digniina u diray Gudoonka

In ka badan 100-xildhibaan ayaa maanta markii u horeysay ku kulmay Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho muddo afar bilood kadib oo aanu Baarlamaanka wax kulan ah yeelan tan iyo markii is qab qabsi xoog leh uu ka dhashay muddo kororsigii baarlamaanka uu sameeyay bishii Febraayo.

Kulankan ay yeesheen Xildhibaanada ayaa waxay ugu baaqeen Gudoonka Baarlamaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku furaan kulamadii baarlamaanka.

Xildhibaan C/naasir Gaarane ayaa sheegay in kulanka maanta ay yeesheen Xildhibaanada uu ka turjumayo rabitaanka shacabka iyo maslaxada dadka iyo dalka, waxaana uu sheegay in Baarlamaanka aan u muddo afar bilood wax kulan ah yeelan.

Kulankaas kadib ayay Xildhibaanada Baarlamaanka waxay ugu doorteen inuu si KMG ah u gudoomiyo Xildhibaan Mowliid Macaan, isagoo hadal uu ka jeediyay ku sheegay in Gudoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inay furaan fadhiyada Baarlamaanka.

Mowliid Macaan ayaa sheegay in kulankan aanu aheyn mid go'aan uu Baarlamaanka ku gaarayo, hase ahaatee uu yahay mid ay boorka dib ugu jafayaan baarlamaanka.

"Waxaa maanta farxad iyo reyn reyn noo ah, inaan baarlamaanka u furano go'aan ka soo saarano, walaalaheena gudoonka markee ka soo noqdaan safarka, korontada u timaado in baarlamaanka inoo furaan, berigaas go'aan gaareynaa, laakiin hada go'aan ma gaareyno, hadii ay furaan waxaa ka soo bixi doona go'aano xarfo badan oo laamo badan leh"ayuu yiri Mowliid Macaan.

Xildhibaanada ka qeyb galay kulankaas ayaa ahaa kuwo aragtiyadooda ay midesyneyd, waxaana ay isaga mid ahaayeen in la furo Fadhiga Baarlamaanka.

Heshiiskii Kampala ay ku yeesheen Madaxda Dowladda ayaa ka mid ah qodobada sida weyn loo sugayo sida Baarlamaanka ka yeelayo, iyadoo arrinta xusida badan ay tahay xilliga Gudoonka Baarlamaanka uu iclaamin doono fadhiyada, xilli uu dalka dibadiisa ku maqan yahay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...