Sunday 19 June 2011

DEG DEG: Madaxweyne Shariif ayaa Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha u magacaabay Dr. C/wali Gaaz

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo tan iyo saaka kulamo albaabada uu u xirnaa Ra'iisul Wasaarihii goor dhoweyd is casilay ayaa u magacaabay Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali (C/Wali Gaaz)

Hadal uu ka jeediyay Madaxweyne Shariif shirka jaraa'id ee uu Farmaajo kaga dhawaaqay inuu isaga casilay xilkaas ayaa waxaa uu soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday, isagoo tilmaamay in xilkaas uu si KMG ahaan u heyn doono Mr C/wali Gaaz oo hada ah Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Wasiirka Qorsheynta.

Madaxweynaha ayaa ka aqbalay is casilaada Ra'iisul Wasaaraha, taasoo si rasmi u gogol xaareysa inuu bilowday dhaqan galka heshiiskii Kampala ee horay lagu gaaray.

Ra'iisul Wasaarihii is casilay Farmaajo ayaa saacadihi la soo dhaafay ee saarnaa cadaadiska is casilaadiisa waxaa muuqatay inuu aad kaga biya diidanaa soo jeedinta Sarkaaiisha ka socota Uganda oo shalay ku amray inuu is casilay, balse uu ka diiday amarkooda.

Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha cusub C/wali Maxamed Cali ayaa bare macalin ka ahaa Jaamacad ku taal Mareykanka, isagoo ka mid ahaa xubnaha ku cusbaa ee saaxada siyaasada oo markii u horeysay muddo labaatan sano kadib uu dalka dib ugu soo laabtay markii bishii November ee sanadkii hore loo magacaabay, waxaa uu ka soo jeedaa deegaanada Maamulka Puntland ay ka arimiso.

Madaxweyne Shariif ayaa laga sugayaa in muddo sodon cisho gudahood uu ku soo magacaabo Ra'iisul Wasaare cusub oo soo dhisa Xukuumad cusub, taasoo iyana waqtigeeda ay qaadan doonto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...