Sunday 19 June 2011

WAR DEG DEG: Ra'iisul Wasaarihii Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waa is casilay

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, kadib kulamo saacado badan socday oo 24-kii saac ka soconayeen Madaxtooyada, kaasoo ahaa kuwo culeys lagu saarayay Ra'iisul Wasaaraha inuu isku casilo.

Mr Farmaajo oo hareerihiisa ay fadhiyeen Golihiisa Wasiirada iyo Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu iska casilo xilkiisa, isagoo xusay in inta isaga dartiis uu qaranka Soomaaliya u bur buri lahaa uu meesha isaga tago.

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku sii sugnaado, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loola dagaalami lahaa Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa muuqanayay cadaadis xoog leh oo Farmaajo ay ku saarayeen Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladda Uganda oo ololahan waday shalay markii Saraakiil u soo dirtay, ayaa shalay waxaa Taliyahaas iyo Ra'iisul Wasaaraha dhex maray dood kulul.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...