Thursday 8 September 2011

Jubbooyinka oo lagasoo dhaweeyay qabashada ciidanka Kenya.


somalimemo.netShacabka ku dhaqan wilaayaatka dalka Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhaweeyay Howlgalkii najaxay oo ay ciidamada wilaayada Jubbooyinka kusoo qabteen saraakiil Kenyaati ah.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa lagu amaanay sida ay u fashiliyeen qorshihii ay dowladda Kenya kalaheed faragelinta ay kusoo sameysay dalka Soomaaliya gaar ahaan ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayaatka dalka.


Waxgarad Khadka taleefanka kula hadlay Wakaaladda Wararka SomaliMeMo ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in gacanta lagusoo dhigo saraakiil Kenyaan ah oo daban daabyo damacsanaan.


Dhawaan ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin meel ku dhaw Dhoobley kusoo qabteen saraakiil Kenyaan ah oo xiligaasi sahan ahaa, dowladda Kenya ayaa iyana dhankeeda qiratay in saraakiil laga qabtay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...