Thursday 8 September 2011

Cabdullaahi Yuusuf " Al Shabaab dagaalka Muqdisho loogama adkaan weli way soo taaganyihiin oo waakuwa Puntland dagaalka ka riday” (Dhageyso).


somalimemo.netDagaal Ooge Cabdullaahi Yuusuf oo horay usoo noqday hogaamiyaha DKMG ah ayaa shaaciyay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin aan sinna looga adkaan Karin.

Cabdullaahi Yuusuf oo isagoo ku sugan magaalada Caden ee dalka Yemen Khadka taleefanka kula hadlay qaar katirsan warbaahinta Afka Soomaaliga ku hashada ayaa sheegay in dagaalada ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa daba dheeraaday oo ka duwan kuwii dhaxmari jiray qabaa’ilada iyo kooxaha siyaasadda.

Col.Yuusuf oo ah dagaal Ooge inta badan noloshiisa kusoo qaatay dagaal sokeeyay iyo gaala lajirnimo ayaa fikirkiisa ka dhiibtay arrinta ay maalmihii lasoo dhaafay buunbuuninayeen cadawga ee ahaa in shabaabul Mujaahidiin ku jabtay dagaalada Muqdisho wuxuuna arrinkaasi ku tilmaamay been.
“Al Shabaab waa bexeen waa been,hubkii waa qarsadeen iyagoo dhar cad ah ayay meel walba joogaa oo xataa Puntland ayay ugudbeen”ayuu yiri Dagaal ka macaashe Cabdullaahi Yuusuf.
Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka qeylla dhaamiyay awoodda xarakada Shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan qaabka ay u dagaalamaan iyo gobolada ay maamulaan.

Horraantii bishii Ramadaan ayay mujaahidiinta Soomaaliya Iclaamiyeen in ay isbedel ku sameeyeen qaab dagaaleedkii Muqdisho.

 Halkaan ka dhegayso Yuusuf oo oranaya Shabaabul Mujaahidiin Weli Muqdisho way ku Xooganyihin Guji
Dhinaca kale wuxuu si kulul u cambaareeyay wadamada deriska la ah Soomaaliya oo uu sheegay in aysan wax wanaag ah larabin shacabka Soomaaliyeed, marka uu sidaasi leeyahay wuxuu u leeyahay khibrad maadaama uu in mudda ah ahaa xaaba Amxaaro.

Halkaan ka dhagayso Cabdullaahi Yuusuf oo sheegaya in Itoobiya Cadaw tahay

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...