Thursday 8 September 2011

Qoraalkii Sh. Bashiir Salaad oo Noqday Aaskii Ictisaamka iyo Axankii Ina Idiris


Akhristayaal Abu Bakar Az-Zaylici baa yiri: Ictisaamkii waa dhintay! Waa siduu u yiri. Haddaba arrimihii safiirka Maraykanka ee ay masaajidka keeneen iyagoo ka wada hadlay sidii Amisom iyo Shariif loo gacan siin lahaa, is-dhiibkii Zenawi iyo weliba taageeradii ay ina Iley siiyeen darteed bay hadda god galeen. Muddo bay iyagoo dhintay yaaleen bannaanka laakiin arrimahaas iyo kuwa hadda ka socda Gaalkacyo baa godka geshay!

Akhristayaal waxaa markii noogu dambeyay Ictisaam u madax ahaa sh. Bashiir Salaad! Qoraalkii hore baa looga hadlay sida Ictisaamka Daaroodku u dhexdhexaadiyeen Daarood is qabtay ama arrin Daarood marka maxaa sh. Bashiir u diiday inuu galo arrinta Saleebaan iyo Sacad?


Akhristayaal qoraal laga qoray sh. Bashiir Salaad baa keenay hadal-heyn xooggan. Degaanka Ximman & Xeeb iyo Galmudug baa si fiican ugu digtay qoraalkaas! Iyagoo leh: Sheekhu wuxuu la mid yahay: shimbirtii inta ugxanteeda ka tagtay; ku fariisatay ugxamo kale!

Horta danta qoraalkii hore hala fahmo. Arrintu ma aha in la diiddan yahay xabbad-joojinta Gaalkacyo! Ee waxay tahay in Faroole soo diray Ictisaamka! Waxaan wada ognnahay in toddobaadyo ka hor ay Mudug isku xasuuqayeen Sacad iyo Cumar Maxamuud? Yaa arkay Ictisaam Garoowe ka yimid oo xaafadda Wada-jir ee Gaalkacyo kula kulmaya odayaal Sacad ah? Ama xitaa Ictisaam si toos ah fadhi ula yeeshay odayaasha Cumar Maxamuud oo arrintaas kala hadlay! Kama hadleynno hadallo ay masaajid ka sheegeen!


Teeda kale sh Maxamed Xaaji Yuusuf muxuu u gali waayey arrinta Marreexaan iyo Dir ku dhex maraya Galgaduud? Ama kuwii Marreexaan iyo Cayr ku dhex maray halkaas? Soow Puntland xudduud lama leh Galgaduud? Maxaa sheekh C/Qaadir Nuur Faarax u kala dhex gali waayey Sacad iyo Cumar Maxamuud ? Muxuu Marreexaan iyo Dir u kal dhex gali waayey? Cayr iyo Marreexaan?

Maxaa masaajidda Puntland leedahay ee London ku yaal looga hadlay dagaal qabiil oo Harti khusaya? Masaajidda waa looga hadli karaa maslaxad Muslimiin laakiin waxaa meesha taal: Masaajidka Muslimiinta oo dhan baa ku tukata. Xitaa aan xijinno Soomaali! Maxaa arrintii Marreexaan iyo Dir loogu geli waayey? Tii Saleebaan iyo Sacad? Tii Sacad iyo Cumar Maxamuud? Tii Marreexaan iyo Dir? Tii Isaaq iyo Dhulbahante? Keliya waxaa lagu galay wixii Harti dhex maray oo keliya!

Maxaa imaamka labadaas markiz ugu yaraan arrintaan Gaalkacyood oo qoladiisa iyo Ashaado-la-dirirka dhex martay wax uga dhihi waayey oo shir ugu qaban waayey? Guddiga masaajidkaas waxaa ku jira kuwo Ashahaado-la-dirir ah oo xitaa kala taageeray C/Laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac? Xaggee joogaan Leelkase ama Soomaali kale?

Dhibaatada Soomaalida heysata waxaa weeye markii nin sheeganaya inuu Mujaahidiinta taageero arko gabay markhaati ahaan loo soo qaatay oo dan laga leeyahay uu ku arko magaca qabiilkiisa! Waxaad arkaysaa dadkaas oo og in danta laga leeyahay maqaalka ay dan ugu jirto Islaamka iyo Mujaahidiintu inuu la soo ordo: qabiil baa laga hadlayaa! Waxaad nagu celiseen 1991-kii! Waxba kama jiraan! Dan kama leh shirarka Doofaaray ee qabiil wax lagu qeybsaday! Arrimaha Somaliland, Puntland, Galmudug, Ximman & Xeeb, Qabuurogaleenka Galgaduud, iyo Doofaaray waxay ku dhisan yihiin qabiil; saasooy tahay markii qabiilka loo isctimaalo wax Islaamka dan u ah baad arkeysaa kuwii Jihaadka taageersanaa oo dhiiggu karayo!


Hadda dan kama lihin haddii suugaanta la soo qaatay lagu hadal qabsado Dirir, Daarood ama Digil iyo Mirifle! Waxaa muhiim ah sida loo adeegsaday Suugaantu ma sax baa?

Akhristayaal dad aan Ictisaam ahayn ayaa ka hadlay arrinta Leelkase iyo Ashahaado-la-dirirka. Cidna ma diidana in Ashahaado-la-dirirka ummada laga qabto. Xoog ha ahaato ama heshiis. Ictisaamka laguma heysto maxaad arrintaas u gasheen! Tusaale ahaan ma lagu eedeyn karaa qoraa C/Waaxid inuu arrintaas ka hadlay! Ma fileynno maxaa yeelay C/Waaxid wuxuu soo dhoweyn jiray heshiisyadii la dhex dhigay Gaaljecel iyo Garre. Kii Abgaal ku dhex maray Ceelbaraf. Iyo kii dhex maray Xawaadle iyo Abgaal. Marka hadduu ka hadlay kan Mudug ka socda, waa wax meesha ku jira.

Toddobaadyo ka hor baa Faroole ku hadlay gaalnimo isagoo yiri: dad gaalo ah madax waa noo noqon karaan! Wuxuu ku daray in arrintaas ay diintu ogoshahay, Muqaddas tahay, Ilaahayna raalli ka yahay! Yaa arkay gaalnimo ka weyn! Ninka saas ah baa inta Suufiyadii caayey Ciiddii dhoweyd; wuxuu soo dhoweystay Ictisaam! Ictisaamku waxay ugu abaalgudeen inay ka difaacaan wixii Mujaahidiin ama diin laga uriyo.

Shaki ma leh in magaca Ictisaam noqday mid u adeega Daaroodka. Wadaaddo Absame iyo Harti ah baa u baqoolay Addis Ababa iyo Jigjiga! Haddeerna wataas arrintaas Gaalkacyo wadaaddada qaarkood uga yimaadeen Qatar!

Maxaa sh. Bashiir Salaad ka qadiyey "Dacwatu yaa Qoomi"! Ma caagay inuu Sacad iyo Saleebaan kala dhexgalo? Mise Hawiyuhu in kala cesho kuma fiicna?

Waxaan ummadda Muslimiinta Soomaaliyeed u caddeyneynnaa in labada garab ee Ictisaamka ugu xoog badan ee kala jooga Bariga Afrika iyo Puntland ay u adeegaan Zenawi iyo Faroole. Ha ogaadeen ama yeysan ogaan! Kuwa Bariga Afrika intaas Gaarisa bay u aadaan dhex-dhexaadin qabiillo dagaalay? Kuwa Puntland waxay intaas ku jiraa heshiisiinta Daaroodka dhexdiisa oo keliya!

Marka intaan lagu calaacalin qabyaalad baa la soo qoray; qofkii muran ka waxaan soo qornnay; adigoon geed isku waabin, sheeg khaladkaan qornnay. Arrimahan waa kuwo dhacay ee ma aha mala-awaal. Marka faallooyinka halagu caddeeyo khalad ama beenta aan sheegnnay!

Marka wadaaddada inta indhaha ka laabteen Cumar Maxamuud iyo Sacad is dagaalaya, sidoo kalna jeegada u duween Sacad iyo Saleebaan is leynnaya; haddeer iyagoo Faroole metelaya qaarkood diyaarado uga yimid Khaliijka waa wax yaab leh? Runtii waxaa si gooniya farta ugu mudeynnaa sh. Maxamed Xaaji Yuusuf oon ka hadlin Cayrka iyo Marreexaanka isku laayey Galgaduud iyo Xudduub beenaadka iyo Marreexaanka iyo Dirta intaas oo jeer isku laaya Galgaduud. Saasooy tahay wadaadku wuxuu intaas u soo maray inuu faraqa ku xirto wadaaddada Puntland ka yimid ee Faroole metela.

Jahwareerka heysta Ictisaam waa: Maxamed Idiris oo hogaanka Ictisaam uga horreeyey sh. Bashiir Salaad baa dhowaan lahaa: "I don't Care about Mogadishu!" Markii Maxamed Idiris saas lahaa wuxuu ka hadlayey adeegyadii Qandala lahayd 35 sano ka hor! Isagu markaas ardey buu ahaa laakiin macallimiintii wax u dhigeysay baa Qandala ka lahayd:

  • Qardhoo quman baan ka qeylinayee
  • .................................................
  • ma haddaan galay qaaba-qoyseyn!

Inkastoo Ictisaamka qaakrood dhaheen: dan kama lihin Xamar laakiin markay Soomaali Galbeed iyo Puntland arrintu gaarto waa ka duwan tahay! Marka bal arka iyagoo isku sawiray Gaalkacyo iyo Jigjiga.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...