Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta soo saartay digreetooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya taas oo dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanka Docoleey oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxaana wareegtada lagu yiri in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmada cusub ee la magacaabay.
Sidoo kale waxaa dagmo loo aqoonsaday deegaanka Godinlabe oo ka tirsan isla gobolka Galgaduud waxaana sidoo kale digreetada lagu sheegay in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmadaasi.
Iyadoo wareegtada lagu qeexay in la baabi’iyay wax waliba oo ka hor imaankaro ama aan la socon Karin xeerarkan.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa waxa ay ugu baaqday hay’adaha dowliga ah in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka shacabka ee ku nool deegaanadaasi si loo hormariyo
No comments:
Post a Comment