Sunday 2 September 2012

Shariif Xasan oo Galabta Ku Soo Laabtay Muqdisho Iyo Faahfaahin Raxanreeb Ka Heshay Wadahadalkii Kenya uu La Soo Yeeshay (Warbixin)


Muqdisho (RBC) Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu safar afar maalmood qaatay uu ku tagay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Shariif Xasan waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho galabta ku soo dhoweeyay taageerayaashiisa oo u badan xildhibaano ku jira baarlamaanka iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa oo ku sugayey garoonka.
Shariif Xasan wuxuu beryahan ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasoo sida Raxanreeb ay faafisay wadahadalo ku saabsan doorashada madaxtinimada dalka uu kula soo yeeshay masuuliyiin sare oo Kenyan ah oo ay ka mid yihiin saraakiil xafiiska madaxweyne Moi Kibaki ka tirsan iyo raysul wasaare Raila Odinga. Wada hadaladaasi ayaa xoogooda ku saabsanaa gorgortan dawlada Kenya ugu jirto sidii uu Shariif Xasan u taageeri lahaa musharax ay dawlada Kenya rabto si uu madaxtinimada dalka Soomaaliya ugu soo baxo. Akhri warbixinta
Dabcan, Shariif Xasan awood uma leh inuu hadda isu sharaxo madaxtinimada Soomaaliya, waayo booska ay reerkiisa [Digil iyo Mirifle] ku leeyihiin dawlada waxaa ku fariistay Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo 28-kii bishii dhamaatay loo doortay jagada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa Shariif Xasan laga rabaa codadka taageerayaashiisa xildhibaanada ah waana taas sababta Kenya ay ula gorgortameyso Shariif Xasan.
Ujeedada socdaalka Shariif Xasan
Mid ka mid ah gacan yarayaasha Shariif Xasan oo aan rabin in la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in Shariif Xasan “kulamo muhim ah” uu lasoo yeeshay raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Kenya iyo wasiiro ka mid ah golaha xukuumadda Kenya.  Waxaana kulamadani fududeeye ka ahaa Ilyaas Barre Shiil oo ah la taliyaha xafiiska raysul wasaaraha Kenya.
Sida il wareedkan uu xaqiijiyey, Shariif Xasan iyo dawlada Kenya way isku fahmi waayeen dalab ay soo jeedisay Kenya oo ahaa in codadka Shariif Xasan uu ku dhex leeyahay baarlamaanka uu siiyo musharax C/weli Gaas oo Kenya ay u aragto nin xulufo la ah.  Illaa hadda dawlada Kenya oo ah taageeraha ugu weyn ee C/weli Gaas (marka loo eego beesha caalamka) kama quusanin inay Shariif Xasan ka dhaadhiciso sidii uu u taageeri lahaa ololaha “campaign” C/weli Gaas inkastoo Shariif Xasan uu aad uga gows adeygay arinkaasi.
Il wareedka oo aad uga dhowrsaday inuu si qoto dheer ugu waramo wariyaha Raxanreeb waqtiga oo ciriiri ahaa darteed ayaa misna sheegay in “Shariif Xasan uu soo jeediyey in musharax kale oo aan ahayn C/weli Gaas loo keeno si uu isxulufeysi ula sameeyo uguna taageero codadka uu ku heysto baarlamaanka dhexdiisa”.
“Waxay noo sheegeen in nin kale ay ka fekerayaan… Koley waa nin beelaha Daarood ka soo jeeda” sidaasi waxaa yiri il wareedka Raxanreeb u xog waramay galabta markii uu Shariif Xasan ka soo degay garoonka Muqdisho kadib.
Saaxiibada Shariif Xasan u dhow dhow, waxay sheegayaan in Shariifku uusan rabin in saaxiibadiisa hore ay soo laabtaan, oo mar haddii uu isaga booska ka baxay wuxuu aad u jecel yahay in sidoo kalana ay la baxaan labada nin ee kale [Shariif Axmed iyo C/weli Gaas] oo ay isku waqtiga ahaayeen, taasina wuxuu u arkaa in CADAALADU ku jirto.  Malaha waa sababta uu u diidan yahay in codadka taageerayaashiisa u siiyo C/weli Gaas.
Shariif Xasan imisaa cod ayuu heystaa maxayse tahay ahmiyada ay leeyihiin?
Shariif Xasan hadda ma lahan ahmiyad gaar ah shakhsi ahaan, laakiin musharixiinta dhamaan waxay u arkaan in haddii isaga wax lagu darsado lagu guuleysan karo, sababtuna waa sida soo socota;-
1- Shariif Xasan iyo taageerayaashiisa waxay hadda heystaan 80 xildibaan oo u dhiganta 80 cod (* qiimeynta ugu dambeysa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ogaatay Raxanreeb). Tusaale ahaan; musharaxa ku guuleysta 184 cod wareega koowaad ee doorashada waxaa uu noqonayaa madaxweynaha dalka, sida ku xusan dastuurka cusub, markaas musharax kasta oo 80 cod hela kuna darsada qeybta uu heysto waxay u dhoweyn kartaa guusha madaxtinimada.
2- Arinta kale oo muhimad u yeeleysa waxay tahay, in Shariif Xasan hadda uusan isku ciriirin karin tartanka madaxweynaha oo taas waxay ku soo xirantay doorashadii afhayeenka baarlamaanka loogu doortay Prof Jawaari oo Shariifku u arko shirqool isaga loo dhigay.  Halkaasna waxaa ku jirta fursad Shariif Xasan laf ahaantiisa aan waxba ugu toorneyn laakiin ragga kale wax u tari karta.
Sida ay sheegayaan dadka ku dhow Shariif Xasan, haddii Kenya ay la iman weydo musharax uu Shariifku ku qanco in Shariifka codadkiisa u jiheyn doono jiho saddexaad oo uu kula gorgortamo danihiisa shakhsiga ah oo ay ugu horeyso in xilal sare aadna muhim u ah laga siiyo dawlada cusub isaga iyo kalkaaliyaashiisa ugu dhow.
Maxay tahay danta Kenya ugu jirta doorashada madaxtinimada Somalia?
Ilo wareedyada ku dhow Shariif Xasan waxay Raxanreeb u sheegeen in sababta Kenya u rabto in C/weli Gaas codka loo siiyo ay tahay in illaa hadda masuuliyiinta Kenya ay ku kalsoon yihiin in C/weli Gaas uusan ka hor iman doonin qorshayaasha Kenya iyo heshiisyadii lala galay.
Kenya wax ay aad uga walwal qabtaa inay dhici karto in jagada madaxweynaha ku guuleysto musharax diidi kara ama ku adkaan karao hadafkeda Siyaassadeed ee ku wajahan Soomaaliaya.
Dawlada Kenya, waxay si gaar ah uga walaacsan tahay in heshiiskii badda ee loo saxiixay sanadkii 2009 uu burburo iyo in carqalad ku timaado qorshaha shidaal baarista [Akhri warbixin] ee ay dooneyso inay ka sameyso meel u dhow xeebta Lamu oo badweynta Hindiya ka mid ah halkaasoo ay ku jirto meel u jirta qiyaastii 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.
Arinta Jubbooyinka oo hadda dagaalo ay hormuud ka tahay Kenya ay ka socdaan ayaa sidoo kale qeyb muhim ka ah ololaha qarsoon ee Kenya, waxaana walaaca ay ka qabto Jubbooyinka uu la xiriiraa xifaaltanka qabiilada (qaarkood Kenya ay la safan tahay) ka dhex dhalan kara kadib marka la qabto magaalada Kismaayo oo hadda Al-Shabaab ka taliyaan carqaladna ku noqon karta qorshaha shidaal baarista.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...