![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Tuesday, 11 September 2012 14:53 |
![]() Doorashaddii shalay ayaa waxaa dhacday arin ka yaabisay Soomaalidda,cuqdadana ka saartay Beesha-Hawiye oo iyagu awal ku calaacali-jiray (Qabiiladda-Soomaalidda wayna neceb-yihiin),laakiin arintii shalay dhacday ayaa lagu ogaaday,in Soomaalidda ay yihiin dad aan Qabiil hadda kadib lagu shaabadeyn-karin,maadaama 3-nin oo Beesha-Abgaal u-dhashay,ay kala galeen,kaalinta (1,2 iyo 4)markii dambana 2-dii ugu sareysay tirada Codadka oo isla Beesha-Abgaal ay Final isugu soo baxeen,kadib markii uu iscasilay Musharax Gaas oo Beesha-Daarood ka tirsanaa.Hadabba waxaa shalay soo afjarantay in Soomaalidda ay qiimeeyaan Qabiilka,maadaama 3- nin oo hal Beel ka wada tirsan ay heleen codad aysan ku xisaabtameyn,ilaa Xildhibaanad ka tirsan Xildhibaanadda ay shalay ku kaftan-tay (Hoolka Baarlamaanka ciyaarta halaga-daayo)taasoo loo fasirtay inay ka waday 3-da nin ee Abgaal ee nasiibkooda u-hiiliyay.Waxaan shaki ku-jirin in arintii shalay-dhacday ay cuqdada ka saartay Beesha-Hawiye oo iyagu aaminsanaa muddo in Qabiiladda kale ee Soomaalidda aysan jeceleyn siyaasiintooda ku caan-baxay siyaasad ma-dhaleys ah,inkastoo hadda la doortay shaqsi nadiif ah oo siyaasadda ku cusub,waxaana shalay Xildhibaanadda Baarlamaanka ee ka kooban Qabiiladda Soomaalidda ay soo af-jareen,halkudhegii Beesha Hawiye caadada ka-dhigatay ee ahaa (Qabiiladda Soomaalida wey na neceb-yihiin)balse taa bedelkeeda shalay waxaa laga saaray cuqdadii,waxaana loo xaqiijiyay Soomalidda inaysan cuqdad u qabin Beesha Hawiye.Qalinkii:Kaftanka-ShacabkamediaShacabkamedia:Beyra:PuntlandShacabkamedia:Runta-Kama-XishoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment