![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Monday, 03 September 2012 00:50 |
![]() Horaan u-sheegnay in Dagaal-Oogayaasha Muqdisho ay sheekadoodu ku dhamaan-doonto (Quud-aan-jirin qoryo-u-guro)Hadabba Warbaahinta Shacabkamedia ayaa heshay,magacyadda Xildhibanaadii lagu bedelay qaar ka mid ah Dagaal-oogayasha Muqdisho ,Warqadan kasoo baxday Gudiga Farsamada ayaa si Hoose looga helay Maxamed Cali Xeyle oo ah Xubin kamid ah Gudiga Farsamada kana soo jeeda Beesha Murusade.Ugaaska Beesha Murusade Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi Fara Cadde waxa uu sheegay in Xubnahan 8-da ah ee ku qoran Warqada ay Gudiga Jeebkooda ka qorteen Odayaashana aysan la socon ,waxa uuna intaa raaciyay in Horey sidaan oo kale Gudiga Farsamada Beesha Murusade ugu dhaceen Xubin aysan iyagu soo xulin balse Gudiga Farsamada ku galiyeen Musuq maasuq iyo Qiyaano .
|
No comments:
Post a Comment