Tuesday 25 February 2014

Ingiriiska oo lacago lagula dagaalamo Al-shabaab siinaya Somalia

                                                                                                                                       

Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Ra'isul wasaaraha Ingiriiksa David Cameron ayaa ansixiyay lacag tiro badan oo sanad walba lagu taageeri doono dowladda Soomaaliya si looga hortago weerarrada kooxaha argagaxisada ah iyo in Soomaaliya ay noqoto Afgaanistan labaad oo Afrika ku taalla.

Lacagtan ayaa gaaraysa in ka badan 90-miyan oo dollar, waxaana madaxda dowladda Ingiriiska ay si gaar ah wax isaga weydiiyeen warbixin dhawaan ka soo baxday Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in Al-shabaab ay wax ka helaan hubka dowladda Somalia.
"Hadii aynu iska indha-tirno -arimahan hadda jira ,waxaa dib u dhici
doona qaladaad aan horey u samaynay 1990-kii waliba Afganistan, marka aniga ma ogolaan doono in ay dib u soo laabato taas oo kale "ayuu yir David Cameron oo waraysi siinayay warbaahinta.
War bishaan horaanteedi ay daabaceen qaar kamid ah wargaysyada ugu afka dheer London ayaa lagu sheegay in la xaday lacag gaaraysa 500,000 Euro oo kamid ahayd gar-gaarkii ay dowladda ingiriiska ugu tala gashay in wax looga qabto abaarihii ku dhuftay Soomaaliya sanadkii 2011-ka.
Xildhibaanada barlamaanka Britin ayaa waqti sii horeeyay ka dooday ansaxinta 11-billion oo dollar oo loogu tala galay in lagu kaalmeeyo wadamo dhowr ah oo Soomaaliy ay kamid tahay ,iyadoo ugu danbayntii la isku waafaqay.
Dad gaaray 290,000 oo ruux ayaa saxiixay codayn uu sameeyay wargayska Daily Mail ,taasi oo ku aadan in dowladooda ay dib u bilowdo gar-gaarkii ay siin jirtay wadamo faqri ah oo ku yaalla meelo kala duwan oo caalamka ah..
"Biritin waxey dib u bilaabaysaa in ay xiriir gaar ah la yeelato Soomaalya si looga taageero dhinacayada argagaxisad iyo amni xumida," ayuu yiri Justine Greening oo xubin sare ka haya hay'adda hormarinta caalamiga ah.
Gar-gaarka Soomaaliya la siinayo ayaa loogu tala-galay in lagu hormariyo dhinacyo ay kamid yihiin amniga iyo cuntada, iyadoo laga hortagayo in dad danbe ay u dhintaan gar-gaar la'aan sida dhacday sanadkii 2011-kii markaasoo Soomaali gaaraysa 260,000 oo ruux ay u dhinteen macluul daran oo soo food saartay..
Faysal Mohamed Hassan
Boston@hiiraan.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...