Tuesday 17 January 2012

Afhayeenka Al-Shabaab: Kenya Dagaalka Way Ku Jabtay Waxayna Bilawday inay Carruurta Leyso


Share
Muqdisho (RBC) Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa shir jaraa’id oo uu shalay casarkii ku qabtay duleedka Muqdisho wuxuu ku cambaareeyay weerarkii duqeynta ahaa ee diyaaradaha Kenya Axadii ka geysteen degmada Jilib.
Cali Dheere ayaa sheegay in duqeynta diyaaradaha Kenya ee la dilay carruurta iyo haweenka ay muujineyso sida ay dagaalka ugu jabtay dawlada Kenya.
“Markii ay dagaalka ku jabeen ayey bilaabeen inay carruurta iyo haweenka laayaan, waxayna ku tuseysaa in Al-Shabaab kaliya aan loo soon ee loo socdo baabi;’inta ummadaan” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.
Cali Dheere ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay gartaan in dagaalka Kenya uu ku wajahan yahay ummada Soomaalida oo dhan, sida uu yiri.
Al-Shabaabka Kenya
Sheekh Cali Dheere ayaa ka dhawaajiyey koox uu ku sheegay in yihiin AL-Shabaabka Kenya kuwaasoo uu uu ugu baaqay in dagaal iyo qaraxyo ka bilaabaan gudaha Kenya.
“Waxaan leenahay walaaleheen inta ay anaga nagu mashquulsan yihiin idinkuna ka faa’ideysta” ayuu yiri Cali Dheere.
Mar uu ka hadlay dagaalada ka socda gobolada kale sida Hiiraan iyo Gedo ayaa wuxuu ku hanjabay in Al-Shabaab ay sii wadayaan wax uu ugu yeeray dagaal isdifaac ah. Isagoo dadkana ugu baaqay inay dagaalka ku soo garab galaan.
Shirka jaraa’id  ee afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo socday 12 daqiiqo ayaa ku soo beegmay xilli waayadan warbaahinta laga waayey hadaladiisa taasoo dhalisday in su’aalo la iska weydiiyo noloshiisa.
Share

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...