Monday 30 January 2012

Ra'iisul Wasaaraaha Soomaaliya oo la hadlay Ardeyda Talyaaniga


 
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ayaa la hadlay Ardayda Talyaaniga. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hay'adda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga ( The Italian Society for International Organization (SIOI)). Hay'adan ayaa waxaa Guddoomiye ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Franco Frattini oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay arday fara badan, barafasooro iyo diplomaasiyiin oo uu ka mid ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Talyaaniga.
 
Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulankan ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo uu uga hadlayey xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya, horumarka ay Dowladdu ku tallaabsatay 6dii bilood ee ugu danbeysey, Roadmapka, iyo Qorsheyaasha u degsan Soomaaliya ee lagu wado in looga saaro ku meel gaarnimada iyo arrimaha gar-gaarka ban'aadanimo. Fadlan fiiri lifaaqa khudbadii oo qoraal ah.
 
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa oo ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Franco Frattini, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda H.E. Staffan De Mistura, Safiirka Turkiga u fadhiya Talyaaniga, Mas'uul ka socday Safaaradda UK ee Talyaaniga. Sidoo kale Ardeydii ayaa su'aalo weydiinayey Ra'iisul Wasaaraaha Soomaaliya.


-- 
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...