Thursday 26 January 2012

Khilaafka Baarlamaanka Oo Maanta Xal Laga Gaarayo (Faahfaahin)


Share
Muqdisho (RBC) Sida ay u sheegeen RBC Radio ilo lagu kalsoon yahay waxama maanta oo khamiis ah lagu wadaa in xal laga gaaro khilaafka ragaadiyay baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo curyaamiya shaqooyinkii ay lahaayeen.
In la xaliyo khilaafka baarlamaanka ayaa waxa uu yimid ka dib markii shaley kulan uu ka dhacay garoonka diyaaradaha muqdisho kaa oo ay ka qeyb galeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoowe Nuunow Maxamed oo hadda mid kasta uu sheegto in uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka.
Kulankaas waxa kaloo ka qeyb galay wakiilka midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rowlings madaxweynihii horre dalka Ghana oo shaley soo gaaray muqdisho.
Sida ay usheegen RBC Radio saraakiil ka qeyb galay kulankaas waxa looga hadlay sidda loo dhameen karo khilaafka ka dhex jirra baarlamaanka kuwaas oo gaaray meel culus.
Hadaba kullankaas ka dib waxa la isla gartay in la soo saaro seddax qodob oo kala ah:
1- In Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoowe Nuunow Maxamed ay tartamaan
2-in labadooda xilka laga qaado haddii uu midkood tanaasuli waayo
3-iyo in baarlamaanka hadda jirro lakala diro, xukuumaddana ay sii shaqeyso ilaa laga gaarayo bisha June ee sanadkan.
Hadaba kulan lagu xalinaayo khilaafka baarlamaanka ayaa maanta waxa uu ka dhici doona garoonka diyaaradaha halkaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM Agustine Mahiga iyo wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Jerry Rowlings iyo Shariif Xasan iyo Madoowe Nuunow Maxamed kaa oo looga dhawaaqi doono in la dhameeyay khilaadka ka dhex jirra baarlamaanka Soomaaliya.
Midowga Africa iyo ururka gobaleedka IGAD ayaa horrey war saxaafadeedyo ay soo saareen ku taageeray Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka.
Sidoo kale markii uu warkan soo baxay ayaa la sheegay xildhibaanadii taageersanaa Madoowe Nuunow Maxamed ku dhaliilay in uu sameeyay gorgortan, waxan ay sheegeen in aysan taageersaneen heshiiskaas la sheegay in lagu xalinaayo khilaafka baarlamaanka.
Si kastaba, macadda sidda haalka uu noqon doono, naga fili dhawaan warbixino iyo faah faahin kale
RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...