Wednesday 25 January 2012

Hadda maxaa ka soconaya Beledweyne?


Written by Administrator on .
somalimemo.netWar hadda naga soo gaaraya gudaha magaalada Beledweyne ayaa waxa uu sheegaya in ciidamada Itoobiyaanku ay daabulayaan haraadiga gaadiidkii ku basbeelay weerarka Istishhaadiga, iyadoona wali ay magaaladu ku jirto xaalad bandow ah.


Xiriir aan goor dhaweyd la sameynay dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in baabuur wiishka ay geeyeen ciidamada Itoobiya xarunta Gobolka ee weerarkaasi ka dhacay, waxaan la xaqiijiyay in ay qaadayaan baabuurta gubatay.


2 ka mid ah gaadiidka Uuraalaha loo yaqaano oo midkood sahay rasaas iyo raashiin isugu jirtay ay saarneyd ayaa ku basbeelay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in aan waxba laga arkin gaarigii ay Mujaahidiintu u adeegsadeen weerarka Istish-haadiga.


Kahor saacado waxaa Beledweyne soo gaaray diyaarado Helicopters ah oo daabulay dhaawacyada ugu daran iyo meydadka qaarkood, waxaana la tilmaamayaa in dadweynaha magaaladaasi ku harsanaa ay guryahooda albaabka hoosta kaga soo xirteen.

Warar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay xaafadaha gaafwareegayaan iyagoona dadka qaarkood xirxiray, waxaana sidoo kale la sheegay in ay amar ku siiyeen dabadhilifyadooda Somalida ah in gudaha magaalada Baladweyne ay ka saaraan dhamaan gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay ee shacabka iyo kuwa ay wataan dabadhilifyadooda si loo diiwaan geliyo.
Wixii soo kordha kala soco SomaliMeMo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...