Thursday 26 January 2012

Dr. Dixood Oo Ku Taliyey In Shirka London Lala taggo Cajalada ka Hadlaysa Xasuuqii Siyaad Barre


“haddii aad ragganimo leedahay oo ay daacad ka tahay Somaliland gooni u goosadkeeda, waxa aad waydiisan kartaa ictiraaf dawlada imanaya”Dr Cumar Cilmi Dixood.
Hargeysa (Waaheen) – La Taliyaha gaarka ah ee Madaxwaynaha Somaliland Dr Cumar Cilmi Dixood, ayaa ka hadlay shirka bisha dambe dawlada Ingiriisku Soomalida ugu qabanayso London, kaasi oo Somaliland lagu casuumay.
Dr Dixood waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Somaliland ka qayb-gasho shirka London, isaga oo tilmaamay in ugu yaraan faa’idada laga heli karo shirkaasi ay tahay wufuuda caalamiga ah ee ka qayb-galaysa oo lala kulmo.
La taliyaha gaarka ah ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo Dr Dixood oo u waramay Hadhwanaagnews.com ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland tahay qaran jira isla-markaana xaq u leh inuu helo wixii dadkiisu u soo halgameen “Somaliland waa dal jira, waa dal hore u jiray iminka jiraya, waa dal halgan dheer soo galay, waana dal horena u cadaystay in uu la dagaalamay  Maxamed Siyaad Barre, dadkaasina in ay helaan wixii ay u dagaalameen ayaa qasab ah, dadkii dalkaasi u soo dagaalamay waxa qasab in ah ay helaan wixii ay u soo dagaalameen”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya waxa ugu jira Somaliland ka qaybgalka shirka London “Shirkaasi haddii aynu ka qayb galno waxa aan qabaa in aynu faa’iido kala soo noqonayno, marka aad ugu yar tahay dawladdaha halkaasi isugu imanaya, haddii aad ragganimo leedahay oo ay daacad ka tahay Somaliland gooni u goosadkeeda, waxa aad waydiisan kartaa ictiraaf, waayo mudadii aynu soo jirnay dawladdo badan ayaanu ka dhabqinay balamo ay dad kale la lahaayeen”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey in isagu la socdo in Somaliland shirkaasi inay ka hadasho la qorsheeyay “Anigu waxa aan qabaa in aynu shirkaasi ka hadli karno, waayo aniga way ii sheegeen, waxaanay igu yidhaahdeen waanu idin dhagaysanaynaa”
Dr Dixood waxa uu ku taliyey in madaxda Somaliland ee shirka London ka qayb-galaysaa ay shirkaasi tusto dhibka reer Somaliland ka soo gaadhay midowgii koonfurta “Halkaas waxa laga daarayaa cajalado si fiican oo wadaax ah uga hadlaya xasuuqii ka dhacay dalka, waxaana la odhanayaa ma waxa aad doonaysaan in aad nagu celisaan dadkii sidaasi noo xasuuqay” ayuu yidhi Dr Dixood.
Short URL: http://waaheen.com/?p=28893

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...