Wednesday 25 January 2012

Diyaarad Helicopter ah oo Caawa Meydad Ethiopian ka Qaaday Beledweyne iyo Dad Fara Badan oo Xabsiga ku Jira (Warbixin)


 
Share
Beledweyne (RBC) Sida dad ku sugan magaalada Beledweyne caawa u sheegeen Shakada Raxanreeb waxaa caawa maqribkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif ay ku soo degtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah “helicopter” taasoo ka timid dhinaca Ethiopia.
Dad magaalada jooga ayaa ku waramay in gaadiid ay wateen ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada oo waday dhimasho iyo dhaawaca askar Ethiopian ah ay geeyeen garoonka iyadoo diyaaradiina ay halkaasi ka kacday.
Qarax loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo saaka waaberigii lala beegsaday xarun ay degan yihiin ciidamada Ethiopia ayaa la sheegayaa in ugu yaraan 10 askarta Ethiopia ay ku dhinteen, iyadoo dhaawac aan tiradiisa la sheegin uu jiro.
Warar ku dhow saraakiil magaalada joogta ayaa xaqiijiyey in dhimshada guud ahaan 20 ruux ay dhan tahay marka la isu geeyo ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Dooxada Shabeelle ee magaalada gacanta ku haya.
Madaxa Dooxada Shabeelle C/fataax Xasan Afrax oo aan maanta telefoon kula xiriirnay ayaa beeniyey tirada khasaaraha la sheegay uu badan yahay. Wuxuuna sheegay in saddex askari kaliya ay dhinteen.
Saraakiisha Ethiopian-ka ayaan ka hadlin khasaaraha ay geystaan iyo midka iyaga soo gaara.
Dhanka kale tiro dad ah oo gaareysa illaa 50 una badan dhalinyaro ayaa caawa ku hoyana saldhiga dhexe ee magaalada ka dib markii maanta ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa Dooxada Shabeelle ay ka soo qabqabteen magaalada iyagoo ku eedeynaya in Al-Shabaab xiriir la leeyihiin.
Caawa maqribkii ayey ciidamada Ethiopia 7 dhalinyaro ah ku toogteen bariga magaalada kuwaasoo uu ku jiray wiil la sheegay in gurigooda laga soo qabtay laguna arkay kuraas baabuur laga furay laguna tuhmay inuu ahaa baabuurkii saaka ku qarxay magaalada.
Goobta saaka uu qaraxu ka dhacay ayaa aad ugu dhow hotelka Madiina ee bartamaha Beledweyne oo ay degan yihiin wafdi wasiiro iyo xildhibaano ah oo ka tirsan DKMG kuwaasoo socdaal ku jooga magaalada Beledweyne.
Magaalada waxaa weli saaran bandow maanta ay soo rogeen ciidamada Dooxada Shabeelle oo gacandsaar la leh DKMG iyo Ethiopia.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...