Wednesday 25 January 2012

Sheekh Abu Muscab " khasaaraha cadowga waa 33 dhimasho iyo 2 baabuur oo basbeeshay"

.

Written by Administrator on .
somalimemo.netAfhayeenka dhanka Ciidanka ee Mujaahidinta Soomaaliya Sheekh C/Caziiz Abu Muscab oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in wararka hordhaca aha ee ay helayaan ay xaqiijinayaan khasaaraha cadowga ku soo gaaray weerarka Istishaadi ee Beledweyne in uu 30 meeyo gaarayo.

Sheekh Abu Muscab ayaa xusay in weerarku uu u dhacay sidi loo qorsheeyay, wuxuuna ku sii daray in gaariga Istishhaadigu uu gudaha u galay xarunta Gobolka ee magaalada Beledweyne halkaasi oo ay saacaddaasi ku jireen 200 askar Itoobiyaan ah.


Afhayeenku wuxu sheegay in wali ay uruurinayaan khasaaraha ka dhashay camaliyada, balse wuxuu tilmaamay in qeyb ay ka tahay howlgalada Mujaahidiintu ay kaga warcelinayaan duulaanka ay soo qaadeen isbaheysatada gaalada iyo dabadhilifyadooda.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka uu kaga baqtiyay weerarkaasi nin Cornel ahaa oo kuxigeen u ahaa taliyihii Ciidamada Itoobiya ee watay ciidamada Hiiraan soo galay, laakin wararkaasi ayaa ah kuwo wali isi soo taraya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...