Garaadka Cabdillaahi oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ku sifeeyey duulaanka Soomaaliland ee Buuhoodle gardaro aanan marnaba geed loogu soo gaban si weyna ay u canbaareynayaan haddii ay yihiin Isimada Puntland.
Sidoo kale wuxuu sheegay in degmada Buuhoodle ay ka tirsantahay dhulka Puntland difaaceedana ay saarantahay Dawladda Puntland loogana baahanyahay difaacida Shacabkeeda arrintuna aysan noqon Canbaareyn oo kaliya.
Shacabka ku dhaqan Buuhoodle ayuu sidoo kale u diray fariin ah in ay si midaysan meel uga soo wadajeestaan gardarada iyo duulaanka ay Shacabka ku hayso Soomaalilana lana garab istaago Shacabkaas.
Afhayeenka Isimada Puntland ayaa xusay in il gaar ah ay Beesha Caalamka ku eegto gumaadka iyo xadgudubyada joogtada ah ee lagu hayo Shacabka kunool Buuhoodle ugana digto Soomaaliland falaka caynkaas ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso
No comments:
Post a Comment