Monday, 16 January 2012

Tool Email ugu dir saaxiibkaa warkaan Daabaco warkaan Beledweyne:-Ciidamada Itoobiya oo xabsiga dhigay Hogaamiyayaasha Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunnada Hiiraan

Beledweyne(Allpuntland)Ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada B/weyne ayaa xabsiga dhigay C/fataax Xasan Afrax oo ah gudoomiyaha maamul la magac baxay Dooxada Shabelle iyo Adan Cabdulle Cawaale oo ah Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee Gobolka Hiiraan.

Xabsiyeeynta labaaanu masuul ayaa ka dambeeysay ka dib markii meleeshiyaad kala taabacsan labada dhinac shalay gelinkii dambe ay ku dirireen duleedka magaalada B/weyne.

Ka dib markii ciidamada Itoobiya Al Shabaab ay ka qabteen magaalada B/weyne ayaa waxaa magaalada gashay xaalad jahwareer ah oo ku aadan gacan ku heeynta iyadoona dhinacyo badan ay sheeganayaan maamulka magaalada.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tagey magaalada B/weyne ka dib markii Shabaabka laga saaray ayaa waxa uu sheegay in gobolka maamul Dowladda u sameeyn doonto isagoona tilmaamay in ay gacanta ku heeyso Dowladda KMG.

Ciidamada Itoobiya ayaa haatan gacanta ku haya labada masuul ee Ahlu Sunnada Hiiraan iyo Maamulka Dooxada Shabelle waxaana socda dadaal lagu soo deeynayo raggaasi.

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...