Monday 9 January 2012

Xukuumadda Puntland oo u Dabaaldegtay Waxqabadka Sanadkii Tagay ee 2011[Sawirro]


 
Share
Boosaaso[RBC Radio] Xaflad si heer sarre ah loo soo qaba-qaabiyey oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Putland ee Boosaaso ayey Xukuumada Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole u dabaal-degtay wixii ay qabatay Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011,iyadoona khudbado kala duwan laga soo Jeediyey.
Xafalada ayaa sidoo kale lagu maamuusayey Sanadguuradii Saddexaad ee ka soo Wareegata wakhtigii Madaxweynaha loo doortay Cabdirixmaan Faroole,waxaana kasoo qeybgalay Isimo,Wasiiro,Fanaaniin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in mudadii ay hawsha Xukuumadiisa hayay ay qabteen horumar balaaran oo la taaban karo balse ay jiraan habacsanaan iyo caqabado dhinac amniga ah oo ay dabada ka wadaan dad uu ku tilmaamay in ay yihiin Shisheeye.
…’Waxaan idin sheegayaa dadka reer Puntlanoow Saddexdii sano ee meeshaan aan joogay wax badan baanu qabanay  Ilaahay waa ogyahay ,dadaal badana waan sameynay  dhinac kasta haddii laga eego  kuma soo koobi karno Film iyo hadal yar,haddii aan soo koobo waxaan wax ka qabanay oo balaaran waxaa kamid ah amniga guud ahaan wey jirtaa wax badan oo noo dhiman ,caqabado naga hor yimid waa ay jiraan  wey jirtay in dhulka lagu beermayey muddo aan 10-sano ka yareyn  ukun la dhigaayey meel walba ,waxaad ogtihiin  markii aan aruurinay Ciidamadii ,markii wixii aan heli karnay oo dhaqaale ah aanu siinay ,markii wixii ay qaadan  jireen haddiiba ay qaadan jireenba aanu kor dhinay ,markii aanu qalabeynay,inaanu magaalooyinka waaweyn amnigooda xooga saarnay  dabadeedna  ishii ay boogtu tiilay ay kasoo butaacaysay ay weerar kuqaadeen  bishii Julay 26-keedii ayna soo gabagabeeyeen Oktobar 29-sanadkii 2010,halkaasna Jab weyn iyo fool xumo ugu geysteen  argagaxisadii caalamiga ahayd ee isasoo bahaystay ee ajnabiga iyo Soomaaliba isugu jira una badnaa kuwa aan deegaanka u dhalan, aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa dadka  reer Puntland oo dhan oo gacanta ka geystay soona dhaweeyey Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...