Doolow (RBC Radio):- Ciidamada dowladda Ethiopia ee ku sugan degmada Doolow ayaa xabsiga dhigay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka tiran Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka FKMG Soomaaliya. Xildhibaan Barre oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Doolow ayaa waday abaabulo ciidan iyo dagaal uu doonayey in uu ku qaado degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Ethiopia ay ku xireen xabsi ku yaala degmada Doolow.
Xariga Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa xarigiisa lagu sheegay in uu ka dhashay muran dhexmaray isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku lugta leh dagaalada ka socda deegaanada gobolka Gedo.
Ethiopia oo kaalin ka qaadaneysay dagaalada ka socda gobolka Gedo ee Al-shabaab looga sifeynayo ayaa Barre Hiiraale u aragtay in uu arbushaad ka dhex wado arimaha ciidanka, waxaana Saraakiisha ciidamada ee Ethiopia u jooga degmada Doolow ay qabteen Xildhibaan Barre isla markaana waxay u taxaabeen xabsi ku yaala degmadaasi.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment