Saturday 14 May 2011

Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliland Oo Jirdil Ku Sameeyay Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Guurtida


 
Hargeysa (RBC Radio):- Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada maamulka Soomaaliland ayaa jirdil iyo xarig ku sameeyay mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ee maamulka Soomaaliland.
Xildhibaan Cawil Cismaan ayaa ciidamada ilaalada Madaxtooyadu ay u geysteen jirdil isla markaana waxay u dhaadhiciyeen xabsiga magaalada Hargeysa, halkaasi oo ilaa iyo iminka uu ku xiran yahay Xildhibaanku.
Xariga iyo jirdilka loo geystay Xildhibaan Cawil ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay gaari uu watey uu ku dhacay darbi weyn ee Madaxtooyada maamulka Soomaaliland ee magaalada Hargeysa.
Lama yaqaan ujeedada ka dambeysay in gaariga Xildhibaanka ka tirsan Golaha Guurtida Soomaaliland uu ku dhaco darbiga Madaxtooyada Soomaaliland, hase ahaatee waxaa wararku sheegayaan in uu ahaa shil si kadis ah ku dhacay isla markaana aysan ka fiirsan ciidamadu oo ay ku deg degeen jirdilka iyo xariga Xildhibaan Cawil Cismaan.
Warar kale ayaa sheegaya in uu muran dhexmaray ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliland iyo Xildhibaanka ka hor xarigiisa, waxaana goobjoogayaal ay sheegayaan in Mudane Cawil uu u hadlayey si ula jeed ah in uu ugu dhuftay darbiga gaariga uu watey.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...