Monday 16 May 2011

Saraakiil sare oo ka tirsan Ahlu Sunnaa oo Mowlicii Macalin Nuur Qarax lagula eegtay.

Warar goordhow na soo gaaray ayaa sheegay in qasaaro xoog leh aagaga dagaalka demaga Hodan lagu gaarsiiyey saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ka dib markii Xarakada Al Shabaab qaraxyo ay fulisay.

Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com inuu jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawacayo ah oo qarax ka gaaray saraakiil sare oo Ahlu Sunna ah, waxaana la sheegayaa dhimashada 10 qof oo saraakiil iyo ciidan isugu jira iyo dhaawaca labaatameeyo kale.

Wararka ayaa sheegaya in ka dib markii qaraxyada ay qabsadeen saraakiisha iyo ciidanka Ahlu Sunna ka dib dagaalyahanada Al Shabaab weerar ay ku soo qadeen Molacii Macalin Nuur ee qaraxyadu ka dhaceen.


Goobaha mudooyinkan laga saarayay Al-Shabaab oo ay boholo iyo godod waa weyn ka qodeen ayaa waxaa jiray miinooyin iyo waxyaabo qarxa oo laga soo saarayay, kuwaasoo ay ku aaseen Alshabaab.

Iska hor imaadyo goos goos ah ayaa saaka ka soconaya aagaga degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay dagaalo ka dhacayeen, halkaasoo ay Ciidamada Dowladda ay si aad ah ugu durgeen, kuna dhowaadeen Suuqa Bakaaraha.

La soco wixii ku soo kordha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...