Saturday 14 January 2012

Axmed Siilaanyo oo ku Hanjabay inuu “Talaabo Cad” ka Qaadi Doono Dadkii Abaabulay Shirka Taleex

Axmed Siilaanyo oo ku Hanjabay inuu “Talaabo Cad” ka Qaadi Doono Dadkii Abaabulay Shirka Taleex

Share
Hargeysa (RBC) Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa Maanta khudbad dheer ka hor Jeediyey Fadhigii Labada Golle ee Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland isagoo si kululu weeraray shirka “KHAATUMO 2″ ee ka socda degmada Taleex ee gobolka Sool.
Axmed Siilaanyo oo khudbadan diirada ku saaray waxqabadkii maamulkiisa ee sanadkii tegey ayaa wuxuu ku dheeraaday amaanka gudaha Somaliland iyo cadow uu sheegay in Somaliland ay duulaan ku soo yihiin.
Wuxuu soo qaaday shirka beelaha SSC uga socda degmada Taleex ee dhowaan looga dhawaaqay maamul ka arimuya deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo qeybo ka mid ahi Somaliland sheegato, isagoo ku tilmaamay “shir fitno” ah kuna goodiyey inuu talaabo deg deg ah ka qaadi doono dadka wada shirkaasi.
“Dawlada Somaliland Marna Ma Ogolaan doonto in qarankan la kala qaybiyo iyo in lagu qaraabto magacyo aan jirin, waxaanu Difaacaynaa midnimada iyo wada jirka Somaliland, Waxanu u aragnaa in dhammaan cidii ka qayb qaadatay shirqolkaasi ay yihiin Dambiilayaal Qaran” ayuu yiri Axmed Siilaanyo oo si caro leh u hadlayey.
Siilaanyo wuxuu intaa ku daray in beelaha Sool, Sanaag iyo Ceyn ay yihiin dadkii wax ka dhisay maamulka Somaliland oo sida uu sheegay caddaalad,amni iyo xasilooni u keenay guud ahaan dadka ku hoos nool. Wuxuuna sheegay in shirka Taleex uu yahay shirqool looga gol leeyahay burburinta Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maamulkiisu uu u digayo dad uu sheegay inay abaabulayaan duminta Somaliland oo qaarkood qurbaha ka yimaadeen, siduu yiri. Wuxuuna sheegay in gacanta loola tegi doono.

Baaqa Siilaanyo

Wuxuu ugu baaqay waxgaradka iyo garaadada reer Sool, Sanaag iyo Buuhoodle inay ka feejignaadaan wax uu ku sifeeyey “dad fitno wadayaal ah” oo isku dhex qarinaya dadka.
“Waxgaradka, Samotaliskaa iyo Duqayda reer Sool waxaan ugu baaqayaa in ay ka feejignaadan iskana jiraan Fidmada ay la wareegayaan Kooxda ku soo duushay Wadda jirka ummada” ayuu yiri Axmed Siilaanyo.
Jawaabtan ayaa tii ugu horeysay ee maamulka Somaliland si rasmi ah u shaaciyo tan iyo intii lagu dhawaaqay mabda’ ahaan dhismaha maamul u gaar ah dadka SSC ku nool oo ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland.
Shirka Taleex oo hadda galay usbuucii saddexaad ayaa waxaa ka qeybgalaya waxgarad, odayaal,siyaasiyiiniyo bulshoweynta SSC oo dal iyo dibadba ka timid kuwaasi oo sheegay inay masiirka dadkooda ka tashanayaan.
Lama oga xaalada halka ay jihada saari doonto hase ahaatee hadalka Siilaanyo ayaa irdaha u furay guluf dagaal oo ka aloosma waqooyiga Soomaaliya kaasoo aan la ogeyn cida kubaraari doonta.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...